Xayaati Jaceylka Ma Ah Game La Ciyaaro , Indhaheyga Waxa Ay Ka Maseeraan Iyo ….

Sunday 17 March 20130 comments


Xayaati xalay dhan waan fikirayay markaas ayay Hal dhibic oo ilin ah iga soo dhacday , markaas ayaan weydiiyay oo aan iri maxaad banaanka ugu soo baxday , Dhibicdii ilinta aheyd waxa ay iigu jawaabtay waxaa jira qof aad u qurxoon oo indhahaada aad siiyay , marka aniga boos iigama banaana indhahaada .

2-Ogaaw macaan in xariirka uusan aheyn Game la ciyaarayo , ma ah eray la iska yiraahdo , ma ah mid bilaawda March oo dhamaanaya May , ogaaw waa beri ,waa shalay , waa maanta waa mar waliba.

3-Haddii aad fariintaan tir-tirto taasi waxa ay i tusineysa in aad i jeceshahay ,haddii aad save gareysato waxa iyana ay ii muujineysa in aad ii baahan tahay ,haddii aad iska indha tirtana waxa ay ii muujineysa in aad ii xiistay .. hadaba wax aad sameyn kartid ma jirto lol .

4-Mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan qalbigeyga , ma garaneysaa sababta maxaa yeelay mar waliba waxaad u dhawdahay qalbigeyga indhaheygana waad ka fog tahay(waan u xiisay aragtidaada.).

5- Ogaaw qaali jaceylka aan ku qabo ma dhimanayo ama ma dhamaanayo ina

6- macaan ha siin Passwordka jaceylkeena ama xariirkeena qof maxaa yeelay haddii aad tiraahdo Passwordka waxa waaye I LOVE YOU taasi micnaheedu waxa ay tahay in uu igala ka wareegayo isla markaana aad ka baxeysid gacanteyda( Jaceylkaan qof kale ha iga siin)

7- Macaan waxaan doonayay in aan jaceylka aan ku hayo kugu soo dhiibo Pastman (kuwo warqadaha qaada) balse waxa uu igu yiri aad ayuu u culus yahay.
Aqriste sidee u aragtaa fariimahaan waa inoo muhiim fikirkaada.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved