Hadii aan Ku Qayaanay Calafka ayaa Wax Waliba Ka weyn taasina maahan aniga qiso cajiib ah

Sunday 17 March 20130 comments



Dhacdooyinka Jaceylka Ma’ahan kuwa kaliyah ka dhex dhaca Magaalada aad dagantahay & Guud ahaanba Dalka aad ku nooshahay waa kuwa daafaha dunida maalin kasta ka dhaca balse Dhegahaagu Maalin uun ay goob joog u ahaadaan Dhagaysigooda.

Idiris oo ah Wiil Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Greece ee qaarada yurub ayaa qeyb ka galaya Xasuus qorka Jaceylka kaasoo dhawaac halis ahi kasoo gaaray Arimo la xariir Jaceylkiisa.

Dhibanahan oo aysan suurta gal noo noqon xariir rasmi ah la sameysno ayaa ilo ku dhaw dhaw waxa ay noo xaqiijiyeen inuu si daran ujeclaa Gabadh Soomaaliyeed oo iyadu ku nooleed Dalka Norwey , Idiris ayaa xariirkiisa soo bilaabay Sanadii 2007 isagoo Joogay Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Mudo dheer kadib waxay gabadhani kuwada xariiri jireen aalada Internetka “MSN” marxalado kala duwan oo uu soo maray idiris waxaa ay wada balameen gabadhi oo Sanadii 2009kii Nolol ka bilaawday barta ay hada joogto kuna balameen ineey nolosha wada qaadan doonaan.

Ugu danbeyn Idiris waxaa ku adkaatay sidii uu ku tagi lahaa barta ay ku nooshahay Maadaama gabadhu aysan heysan Dhaqaalo ku filan Reerkeeda & Isagaba waxaana lagu balamay in hadii uu yimaad dal kamid ah Qaarada yurub ay sahal u noqon doono midoowgooda.

Dhamaadkii Sanadkii 2011 waxa uu Idiris kasoo baxay East Africa isagoo wadamo badan oo Aasiya ah tahriib kusoo maray si uu mar uun u yimaad Turkey oo uu uga sii gudbay Greece , Balse Nasiib daro Idiris oo nolosha uu rabay usoo carfeeyso ayaa mar qura jawigu is badalay www.hablaha.com na ka war heshay sidaan .

Waxa uu Habeen habeenada kamid ah ku arkay Facebook-giisa Sawirka Wiil ay saaxiibo ahaayeen oo si lama filaan ah usoo wada galeen Lamaantiisii , kuwaasoo qaab Nin iyo Naagtiisa camal ah usawiran.

Si huleel ah ayuu Taleefanadooda uwacay see wax ka jawaabaya malahan habeenkii oo idin hurdo way ka imaan.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved