Shuban biyoodka oo ku faafaya qeybo kamid ah gobalada dalka Soomaaliya

Tuesday 19 March 20130 comments

Waxaa soo ifbaxeysa in cudurka Shuban biyoodka uu ku faafayo qeybo badan oo kamid ah koonfurta dalka Soomaaliya.
Gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kamid ah gobalada uu hada sida baaxadleh ugu faafay cudurka shuban biyoodka ayaa waxaa 24kii saac ee lasoo dhaafay la xaqiijiyey inay ku dhinteen 14 qof.

Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa la geeyey dad badan oo gaaraya 33 qof oo dhamaantood uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, dadkan ayaa la sheegay inay 3 kamid ah yihiin dad waayeel ah, inta kalena ay yihiin caruur.

Axmed Maxamed Khaliif Agaasimaha Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa digniin shacabka u diray ayaa sheegay in ay shacabka iska illaaliyaan biyaha ay cabayaan.

Xiligan oo uu si weyn hoos ugu dhaceen biyaha wabiga Shabeele xili lagu jiro wakhtiga kuleelaha ayuu sheegay Agaasimaha inay sababtay in dad badan ay cabaan biyo aan nadiif ahayn, wuxuuna sheegay in cudurkan hada shuban biyoodka ah uu yahay mid aad u halis ah oo si weyn qorka deg deg u wiiqaya, isla markaana khatar gelinaya dadka tabarta yar gaar ahaan caruurta iyo Waayeelka.

Qeybo kamid ah gobalada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose ayaa laga soo sheegayaa inuu ka jiro cudurka shuban biyoodka.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved