Isbitaalka Guud ee Kismaayo oo lagu wado in la furo

Tuesday 19 March 20130 comments

Waxaa maanta la filayaa in iridaha markii ugu horeysay loo furo Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo oo xirnaa muddo 5 sano ka badan.

Isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa iridaha loo laabay sanadkii 2008 kadib markii ay Al Shabaab la wareegeen magaalada Kismaayo. Isbitaalka ayaa kamid noqday goobaha Taliska dhexe u ah xoogaga Al Shabaab ee magaaladaasi ku sugnaa, waxaana horey halkaasi u degenaan jiray sida la sheegay qaar kamid ah madaxda Al Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay isbitaalka xaruntiisa ka sameeyey miino baaris kadib markii halkaasi laga helay miinooyin aan weli qarxin oo halkaasi ku aasnaa iyo waxyaalaha qarxa oo looga tagay qeybo kamid ah isbitaalka. Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku guuleysteen inay halkaasi ka saaran dhowr miino oo laga helay deyrka xarunta Isbitaalka gudihiisa.

Furitaanka isbitaalka Kismaayo ayaa ah mid ay baahi weyn u qabaan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo. Magaalada Kismaayo ayey horey isaga baxeen dhamaan hay’adihii caalamiga ahaa ee ka shaqeyn jiray dhanka arrimaha bulshada, waxaana dhawaanahan soo baxayey baaqyo loo jeedinayo in hay’adaha daryeelka bulshada ee caalamiga ah ay dib ugu soo noqdaan magaalada xarunta u ah gobalka Jubbada Hoose.

Ciidamada AMISOM ayaa todobaadkii tagay hawlgalo miino baaris ah oo ay magaalada Kismaayo ka sameeyeen ku guuleystay inay miinooyin ka saaraan wadada Argada oo la sheegay in lagu aasay miinooyin.

Tan iyo intii ay ciidamada Dowlada Federaalka, kuwa Raaskambooni iyo AMISOM la wareegeen magaalada Kismaayo ayaa waxaa jiray qaraxyo badan oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, waxaa jiray qaar kamid ah xubnihii Al Shabaab oo magaalada la sheegay in ay gudaheeda ku hareen, kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen ciidamada AMISOM in gacanta lagu soo dhigay.
_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved