Booliska Garowe oo qabtey lacag Soomaali loo wadey magaalada Bosaso

Tuesday 19 March 20130 comments



Ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa qabtey lacago Shilin Soomaali ah oo lagu qariyey gawaarida xamuulka qaada, iyadoona tirada guud lacagta la qabtey ay tahay 190 Milyan oo Shiling. Axmed Cali Samantar oo kamid ah ciidanaka ilaalada waddooyinka Taraafikada ayaa shegay in lacagataan ay ka timid magaalada Laascaanood, waxaana ay ku socoey magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Wasiir ku-xigeenka wasaaraadda Maaliayadda Cabdi Warsame ( Qawdhan ) ayaa isagu ka warbixyey lacagataan Garowe lagu qabtey isla mar ahaanatana ka hadley in shacabku ay ka tigtoondaaan isla mara ahaanataan shacabaka uu ku wargelinaayo in taalaabo adag ay ka qaadi doonaan taasoo sababi doonta inay la wareegaan gaadiidka lagu qabato lacag cayn kan oo kale ah ayan la wareeegi doonto dowlada.

Puntland ayaa horey uga digtey in lacagta ku sugan maamulkooda gudihiisa loo safriyo Koonfurta Soomaaliya, si lacag kale looga dhaliyo, waxaase si weyn la isu weydiinayaa lacagta Bosaso ku socota sababta loo qabtey maadaama Bosaso ay tahay magaaladii ganacda iyo bucshirada loo tegi jirey, qof aan lacag wadana aanu waxba ka soo qabsan karib, Maadaama magaalada Bosaso ay tahay xarunta ganacsiga Puntland isla markaana aysan ku jirin meelaha la mamnuucey in lacagta loo safriyo, Askeriga qabtey ayaa sheegay in Xisaabiyaha Gobolka Nugaal sheegay in xitaa gudaha Puntland aan lacag loo kala safrin karin, gaarig waxa uu qaadan karaa Jicsankiisa keliya!.

Wasiir kuxigeenka maaliyadda oo la weydiiyey in hore loo mamnuucey lacagta Koonfurta, laakiin hadda lacagtan loo wadey Bosaso, ayu sheegay in ay hubinayaan arrintan.

Lacagta Shiling Soomaaliga ayaa aad ugu yaraatey dhamaan suuqyada Soomaaliya, taas oo sababtey in lacagaha qalaad gaar ahaan dollarku hoos u dhaco, hoos u dhacaas oo noqdey mid aan saameyn alaabaha tafaariiqda loo iibiyo taas oo ku qiimeysan lacagta Soomaaliga. Maamulka Pun tland ayaa guddi u saarey ka soo talo bixiya sidii mushkiladda lacagta looga bixi lahaa, waxaana dhibaatadan la wadaaga suuqyada kale ee Soomaaliya iyada oo dhawaan magaalada Muqdisho uu ka dhacay mudahaaraad ka dhan ah sicir-bararka iyo hoos u dhaca Dollarka.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved