Dhacdooyin Yaab Iyo Naxdin Leh Oo Maanta kadhacay Magaalada Muqdisho İyo Haweeney Ninkeyda Kajartay Malabyarowgiisa

Monday 19 November 20120 comments


Naag Ninkeeda Malabyalowgeeda Ka Jirtay
Dhacdooyin layaab leh ayaa waxa ay maanta ka dheceyn magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya taas oo layaab iyo fajac ku noqotay dadkii maqlay waxaana ay labo dhacdo oo  naxdin leh.


Mida hore ayaa waxa ay ka dhacday maanta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir taas oo aheyd markii haweeyney ay seygeeda kajartay fooda hore ee malabyarowgiisa taas oo sababtay in uu kuyimaado dhiig bax saa’id ah oo ugu dambeentii keentay in loola cararo Isbitaal.


Ninkaan laga jaray malabyarowgiisa ayaa waxaa la sheegay in ay haweyneedaan uu qabay xilliga ay kajareysay ay siisay kaniini taas oo ay ugu dartay shah uu cabaayay markii uu miir daboolmayna ay ka jartay malabyarowgiisa.
Ninkaan oo ka sheekeeyay qaabka looga jaray malabyarowgiisa ayaa waxa uu sheegay in mar qura uu kawarhelay iyadoo qeyb kamid ah jirkiisa dhulka yaalo oo uu dhiig badana kabaxay xaaskeygana ay mindi ila dhutaagneed ayuu yiri.
Ninkaan ayaa waxaa la sheegay in ay tahay sababta ay xaaskiisa uga jartay malabyarowgiisa in uu la guursaday naagkale taas oo uu ka dhalay illaa caruur gaaraya lix oo ayna war kaheyn xaaskiisa taas oo ogaatay markii dambe in uu leeyahay xaaskale iyo caruur.


Haweyneeyda markii ay ku kacday falkaan ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsatay iyadoon aan la ogeyn ilaa iyo haatan mesha ay jaan iyo cirib dhigtayba waxaana la sheegay in maser dartiis ay ninkeeda kaga jartay malabyarowgiisa.
Dhinaca kale waxaa haweyney kale ay iydana maanta ninkeeda ay ku shubtay biyo kulul maser dartiisa, waxaana soogaaray seygeeda gubasho badan oo dhan waliba ka soogaaray.


Dhacdada ugu weyn ee hada la hadal haayo waa mida ka dhacday degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir taas oo ay aheyd markii ay haweyney ay ninkeeda ka jartay afka hore ee malabyarowgiisa taas oo uu haatan la xanuun sanyahay oo uu Isbitaal uu ugu galay.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved