Goobaha Ganacsiga Eastleigh Ayaa Wali Xiran

Monday 19 November 20120 comments

Goobaha ganacsiga Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa maanta xiran, kadid qaraxii shalay ka dhacay halkaasi.

 Waxaa jirtay in goobaha ganacsiga ee Soomaalida la weeraray qaraxa kadib, ciidan booliis ah oo badan ayaa la geeyay xaafadda.

 Dhalinyaro hubeysan oo careysan ayaa shalay galab ilaa xalay weerar ku qaaday xaafadaha Soomaalidu deggan tahay, iyo goobaha ganacsiga Soomaalida ay ku leedahay Eastleigh.

Dhinaca kale askari ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi.

Lama oga cidda weerarka geysatay laakiin waxaa wararku sheegayaan in goobihii ganacsiga magaalada la xiray intooda badan.

Weerarada iyo qaraxyada ka dhaca dalka Kenya ayaa kordhay tan iyo intii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya.


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved