Wasiir arrimo dibadeedkii ugu horeeyay ee Masar ka socda oo Sanado badan ka dib Muqdisho soo gaaray

Sunday 10 March 20130 comments


Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagusoo dhaweeyay Wafdi ka socda Masar oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalkaas.


Wafdigan waa kii ugu heer sareeyay oo Dalkaas ka socda, kaas oo yimaadda Soomaaliya Muddo Tobanaan Sano ah.


Wafdiga ayaa kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasna waxaa ku sugayay Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaynta Wafdigan u diyaar garoobay.

Dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Amniga ee isugu jira kuwa Soomaalida iyo Booliska AMISOM ayaa si wayn looga dareemayay Wadooyinka kasoo baxa Garoonka Aadan Cadde iyo guud ahaan Jidadka muhiimka ah ee Caasimadda.

Mas’uuliyiinta soo dhawaysay Wafdiga waxaa ugu horeysay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwo. Fowziya Yuusuf Xaaji, waxaa kaloo wehlinaay Wasiirro iyo xubno kale oo Dowladda ka tirsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Mudane Maxamed Kaamil Camar ayaa wuxuu u gudbay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo uu iminka ku suganyahay lana filayo inuu kulamo kula yeesho Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Sida Wararku ay sheegayaan Wafdiga Masar ka socda ayaa hordhac u dhac u ah booqasho la filayo inuu dhawaan Soomaaliya ku yimaaddo Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Maxamed Mursi.

Dowladda Masar waxay ku jirtaa Dalalka Carbeed ee haatan u xusul duubaya taageerista Dowladda cusub ee Soomaaliya si loosoo dhameeyo Sanado badan oo Dagaal sokeeye uu Dalkan ka jiray.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved