Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay doorashada Uhuru Kenyata

Sunday 10 March 20130 comments



Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhawaysay doorashadii Madaxtinimada Kenya ee lasoo dhameeyay iyo guusha uu gaaray Uhuru Kenyata.

Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa lagu sheegay inay Dowladdu u hambaliyeeyneyso Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dalka Kenya.

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa Shacabka Kenya ku dhiiragaliyay inay adkeeyaan Xasiloonida Dalkooda iyadoo laga fogaanayo saamayn xun oo Natiijada Doorashadu ay reebto.

Madaxweynuhu wuxuu kaluu Hadalkiisa ku xusay in Dowladiiisu ay sii wadi doonto Xiriirka ay la wadaagto Dalka Kenya.

Dhankiisana Ra’isul wasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna ka hadlay Doorashada Kenya iyo natiijada kasoo baxday, wuxuuna u hambaliyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dalkaas loo doortay Mr. Uhuru Kenyata.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved