Gabar Soomaaliyeed oo Jaceyl Dartiis Muqdisho isku dishay iyo sida ee arinta u dhacday ood aad uga Naxeyso

Sunday 10 March 20130 comments


Waxaa Maalintii shalay Isbitaalka Banaadir ee Magaaldaa Muqdisho ku geeriyooday gabar Soomaaliyeed kadib markii uu soo wajahy Maseyr daran ee ka qaaday Ninkeeda oo la socday Hablo fara badan.

Gabadhan ayaa lagu Waramay in ee aad u Jecleed ninka iyada qaba dhoor marna ee ku aragtay isaga oo hablo badan la haasaawaya lana socda iskuna dayday in ee Ninkeeda ka reebto Haasawaha iyo dumar la sheekeesiga balse ku guul dareesatay.

Gabadhan oo Maseyr darted iscelin weysay ayaa Ninkeeda ka codsatay in uu iska dhaafo Hablaha badan uu wado balse ugu jawaabay in iyada ee Sadax keentay hadii ey qeylada badisana uu furayo hablaha uu lasocdan eesan waxbo ka galin.

Gabadha oo hadalka Seegeeda aad uga murugtay Maseyrkii hayayna sii kordhay ayaa ku dhaqaaqday fal aad u fool xun aadna looga wada naxay kaa oo ahaa in ee Nolosha isku gubtay dabna is qabadsiisay iyadoona dhaawac halis ah oo soo gaaray ugu dambeyntii shalay ku geeriyootay Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal arkay kuna sugnaa Xaafada dhacdadan ka dhacday ee Seebiyaano ee Degmada Hodan ayaa sheegay in gabadha ee dabka aad ugu gubatay qaar kamid ah xubnaheedana ee ku gubteen eena ku go’een taa oo murugo badan oo indhaha qaban Karin la ooyeen dadkii arkay gaar ahaan ehelkeeda.

Sidoo kale Ninka qabay gabadhan Maseyrka dartiis isku gubtay ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray dabka ee isku qabatay Xaaskiisa iyadoona Goob joogayaal sheegeen in gabdha is dishay ee horey dhoor mar iskugu dayday in ee sun cabto balse laga hortagay.

Dhacdooyinka Xanuunka badan ee sababa Maseyrka iyo Jaceylka ayaa kusoo badana qeybo kamid ah Soomaaliya iyadoona Maalmo kahor Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ka dhaceen Falal naxtin badnaa oo ka ahaa in labo Nin midna uu Jaceyl dartiis isku gowracay inkastuu uusan dhiman halka kan kalana uu Kismaayo isku dilay kadib markii aabihii ka diiday in uu u doono gabar uu Jeclaa.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved