Rag hubaysan oo ka mid ah Burcad-Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab Muddo Sanad ah Gacantooda ku jiray.

Markabka waxaa la socday 20 Qof oo Labo ka mid ah iminka la sheegay inay Xaaladooda Caafimaad aad u liidato.
Sida lagasoo xigtay Ilo-wareed aan heybtooda la sheegin oo la socday arrimahan, waxaa Burcad-Badeedda la siiyay Lacag Madax furasho ah ka hor inta aanay sii deyn Markabka.
Wakaaladda Wararka Reuters oo Ilo-wareedyadan soo xiganaysa ayaa sheegtay in Markabka laga lahaa Dalka Imaaraadka Carabta.
Lama sheegin inta ay dhantahay Lacagta la siiyay Burcadda si ay Markabka u fasaxaan.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment