Qurxinta Cidiyahaada Oo La Ogaada In Ay Kor Uqaato Qiimeynta Seygaada(Ugaar Ah Hablaha) Aqriso Xog Muhiim Ah

Sunday 10 March 20130 comments



mar  waliba cidiyahaaga  ka taxdar in aad jarto waliba si  siman oo aad u qurux badan u gaa gaabi ,sido kale waxad jartaa harag yar  ee hareeraha cidiyaha kasoo baxa kaas oo aan caafimaad ahaan wanagsaneyn , waxaa laga yabaa  dumarka in  ay jecel yihiin cidyaha dhaadheer inkasto ay qurux badan yihiin hadana caafimaad ahaan ma wanaagsana waxaana suura gal ah in ay kaa jajabaan ama jeermis uu ku dhuunto.
dad badan ayaa isweeydiiya waxyabaha sababa jajabka cidiyaha iyadoo anan fahan badan laga heysan arinkaa balse waxaad taasi kaga bad baadi kartaa in aad isticmaasho soofe  oo kaa caawinaya in cidiyaahaga u bixin hal  jiho balse ka dhigaaya kuwa siman oo  aad u qurux badan.


Nadiifinta cidiyaahada  waa ay ka fudud yihiin qeybaha kale ee jirka waxaana muhiim ah mar waliba in aad nadiifiso  cidyahaaga adigo isticmaalaya biyo, saabuun  iyo buraashka jilicsan ee cidiyaha lagu dhaqo taasi waxa ay ka hortageysa in cidiyahaga ay ka dhashaan  bacteria , waxaa door weyn ka qaadanaya cidiyaahaga quruxdooda mar waliba in ay helaan dux “Using a moisturizing lotion”  (in aad mariso cream ama saliid) kuna dadaal in cidiyahaaga ay ahaadaan kuwa hela dux ku filan maalin waliba.
Si qurux iyo dhal dhalaal badan  ay u helaan cidiyaahaga isticmaal  Xino  (cilaan) ama rinjiga cidiyaha lagu qurxiyo , waxaad isticmashaa todobaadkii mar in aad  cidiyahaaga ku  xardhato Xino ama rinjiga cidiyaha taasina waxa ka qeyb qaadaneysaa quruxda iyo dhaldhalaalka cidiyahaga , weyna ka hortageysaa jab jabka iyo qaleylka cidiyahaaga.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved