Haween badan ayaa ku jahwareersan sidii ay isu jecelsiin lahayeen ragooda Taasina waxaa sabab u ah iyaga oo aan dhab u aqoonsan halka ninka ay ka soo marayaan wadooyinka ugu sahlan ee qalbigiisa ku degi karaan .
Haweenka diinta ku yar ayaa maciin bida wadooyin qaldan sida sixirka iyo waxii la mid ah ,Gabaryahey Ogaw ninkaada Libaaxa kama ad-adka ee ka dhigo rabayaad aan wax ka diideyn isna jecelsii.
Hadaba qisadaan si wacan u dhuux kana tusaale qaado.
Haweeney ayaa u tagtay nin wadaad ah iyada oo u qaadatay in uu sixiroole yahay ,waxa ayna ka codsatay in uu u sameeyo sixir si ninkeeda ugu jeclaado si aan haweeney loo jeclaan.
Wadaadkii ayaa u sheegay naagtii in ay dooneyso arin sahal aheyn in ay diyaar u tahay in qarashka ku baxaya la baxeyso ,waxa ay tiri haa waan la baxayaa.
Wadaadkii ayaa u sheegay in arintan la sameyn karin iyadoo aan la helin tinta qoorta libaaxa ,waxa ay tiri libaax ,haa , xal kale malaha miyaa libaax la iskuma aamini karee .
Maya Maya arinta aad rabto in ninka lagugu jecleesiiyo tinta qoorta libaaxa ayay ku xeran
tahay hadaad keento ujeedkaada waad gaareysa.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Haweeneysa oo dhabanada haysata ayaa soo baxday waxa ayna durba la tashatay qof ay ku kalsooneyd taasi oo u sheegtay in libaaxu wax ugaarsan haddii uusan baahneyn haddii ay dharjisana shartiisa ka nabad galeyso.
Naagtii ayaa bilaawday in ay duurka aado isla markaana hilib u tuurto libaaxii maalin waliba ilaa uu ka bartay.
Markii dambe ayay bilaawday in ay u dhawaato ka dibna sidii ay arintas u waday waxa ay ku guuleysatay in madaxa ka salaaxo iyadoo ugu dambeyntii qoortiisa ka jartay tintii loo soo diray.
Wadaadkii ayay ula tagtay tintii uu u diray,waxa uu weydiiyay sida ay ku heshay ,iyadoo uga sheekeysay wadooyinkii ay martay.
Wadaadkii oo yaabay ayaa ugu jawaabay gabaryahey ninkaada Libaax kama sharbadnee la macaamil ninkaada oo dharji .
Aqriste waan filayaa in xikmada ku jirta sheekaadaan aad wada fahamteen .
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment