Waqooyiga Kuriya oo si caroleh uga jawaabay Cunaqabateyn horleh oo Golaha Amaanka kusoo rogay

Friday 8 March 20130 comments

Dalka Waqooyiga kuuriya ayaa sheegay inay jarayaan dhamaan xiriirkii koobnaa ay la lahaayeen dalka ay jaarka yihiin ee Koonfurta Kuuriya iyo Maraykanka.


Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn horleh kusoo rogay Waqooyiga Kuuriya (North Korea) kadib tijaabintii hubka Nukliyeerka ee dalkaasi sameeyey 12kii bishii lasoo dhaafay ee Feberaayo.

Golaha Amaanka oo ka kooban 15 wadan ayaa si wadajir ugu codeeyey cunaqabateyntan cusub oo lagu sii cadaadinayo dalka Waqooyiga Kuuriya, waxaana kamid ah in la joojiyey dhamaan qalabka militari ee u socda dalkaasi ama maraakiibta hubkasida ee kasoo baxa dalkaasi Waqooyi Kuuriya. Waxaa sidoo kale la sheegay in dhamaan gaadiidka u socda Waqooyiga Kuuriya laga mamnuucay qalab walba oo loo adeegsan karo hubka Nukliyeerka, cunaqabateyntan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in la xanibo dhaqaalaha dalka Waqooyiga Kuuriya iyo dhanka ganacsiga.

Sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay ayey wadamada Maraykanka iyo dalka China oo xulafo la ahaa Waqooyiga Kuuriya ka wadahadlayeen cunaqabateynta cusub oo caalamka uga jawaabayo tijaabintii hubka Nukliyeerka ee Waqooyiga kuuriya sameeyey bartamihii bishii lasoo dhaafay.

Digniinta Waqooyiga Kuuriya

Dowlada Waqooyiga Kuuriya ayaa si caroleh uga jawaabtay go’aanka Golaha Amaanka, waxayna sheegtay dowladaasi inay jartay dhankii xiriirka isgaarsiinta ay la sameyn jireen militarigooda ciidamada dalka ay jaarka yihiin ee Koonfurta Kuuriya iyo waliba heshiisyadii hore ee xabad joojinta ahaa oo ay la galeen Koonfurta Kuuriya iyo Maraykanka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale ku hanjabay inay duqeynmo iyo weerar gaadmo ah ku qaadi doonaan dalalka ay u arkaan cadowga hadii ay dareemaan in wax duulaan ah kusoo wajahan yahay.

Arrintan ayaa keentay in xukuumada Koonfurta Kuuriya 48dii saac ee lasoo dhaafay ay yeelato kulamo deg deg ah.

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un ayaa sidoo kale booqday mid kamid ah xarumaha militariga ee dalkiisa ku leeyahay xadka u dhaw Koonfurta Kuuriya. Waqooyiga Kuuriya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay sidoo kale bilaabay dhowlo tus balaaran oo ay ciidamadooda sameenayaan iyo diyaar garow militari.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved