Kolanzo Musayoko oo codsaday joojinta tirinta cododka xili lagu wado in lagu dhawaaqo Natiijada Doorashadii Kenya++ (Livestream Video)

Friday 8 March 20130 comments

Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Kolanzo Musayoko oo kamid ah isbaheysiga uu hogaamiyo Raysalwasaare Raila Odinga ayaa sheegay in la joojiyo tirinta guddiga Doorashada ku wado cododka wuxuuna sheegay in ay soo baxeen khaladaad badan.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya Kolanzo Musayoko oo ah hogaamiyaha 2aad ee isbaheysiga CORD ee uu hogaamiyo Raysalwasaaraha xilka haya ee Raila Odinga, ayaa xalay warsaxaafadeed uu qabtay ku sheegay in ay soo baxeen khaladaad badan oo la xariira codbixinta.
Musayoko oo ku hadlayey codka isbaheysiga CORD ayaa sheegay in loo baahan yahay in si deg degleh loo joojiyo tirinta cododka oo la sheegay in illaa iyo hada la tiriyey sadex meelood labo meel cododka, waxaana lagu wadaa in Guddiga doorashada Kenya uu maanta ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee Doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.
Kolanzo Musayoko ayaa sheegay in ay jireen degmooyinka qaarkood in cododka la sheegay in la bixiyey ay ka badan yihiin cododka ka diiwaangashan goobahaasi, wuxuu sidoo kale sheegay in wakiilada isbaheysiga CORD loo diiday inay tagaan goobta cod tirinta ka socoto iyo in lasiiyo Waraaqaha (Copy) codbixinta ama natiijooyinka codbixinta.
Natiijada Horudhaca ah:
Cododka illaa iyo hada la tiriryey Uhuru Kenyatta wuxuu heystaa 4.9 milyan oo codod ah, halka Raila Odinga oo kusoo xiga uu heysto 4.4 Milyan cod. Uhuru Kenyatta ayaa u baahan inuu helo 50% oo lagu daray hal cod si uu uga badbaado in doorashada wareeg labaad la galo, waxaana hada wax yar uga haray inuu helo codod yar si uu wareega 1aad ugu guuleysto Doorashada.
Waxaa iyaduna weli murran xoogan ka taagan yahay codod badan oo khaldamay oo aan natiijada lagu darin, iyadoo xisbiga Raila Odinga ee ODM ku doodayaan in codod badan oo ay lahaayeen la sheegay inay khaldameen, taasi oo aan weli la xalin sidii laga yeeli lahaa.
Guddiga Doorashada ayaa sheegay inaysan wakiilada Xisbiyada aysan ka horjoogsan inay goob joog ka ahaadaan halka cod tirinta ka socoto, waxayna sheegeen in sidoo kale kor-joogayaasha dalka iyo kuwa caalamiga ah ay sidoo kale ku sugan yihiin goobta cod tirinta ka socoto.
Guddiga Doorashada Kenya ayaa sheegay in tirinta cododka lasii wadi doono, aysana joojin doonin, waxayna sheegeen in Maxkamada Sare ay tahay hay’ada kaliya ee joojin karta tirinta cododka.
Hadalada kasoo yeeray CORD ayaa imaanaya xili uu cododka ku horeeyo Uhuru Kenyatta oo hogaaminaya xisbiga TNA iyo isbaheysiga Jubilee, ahna xiligan Raysalwasaare kuxigeenka dalka Kenya.
Eedeyn loo jeediiyey Midowga Yurub
Dhinaca kale Taageerayaasha Xisbiga Uhuru Kenyatta ayaa ku eedeeyey Midowga Yurub iyo diblumaasiyiinta reer Galbeedka ah inay wadaan olole ay ku garab siinayaan Raysalwasaaraha xilka haya ee Raila Odinga iyo xisbigiisa ODM.
Lodewijk BrietKenya1
Arrintan ayaa waxaa beeniyey Ergayga Midowga Yurub u fadhiya dalka Kenya Amb.Lodewijk Brietoo sheegay in Midowga Yurub uusan marnaba faraha la gelin doorashooyinka ka dhacaya dalka Kenya.
Midowga Yurub iyo wadamada kale ee reer Galbeedka ayaa horey u sheegay inaysan la kulmi doonin Shaqsiyaadka lagu soo oogay danbiyada oo ay maxkamada baaritaan kuwado.
Uhuru Kenyatta oo ah musharaxa ku horeeya cododka ahna hogaamiyaha xisbiga TNA iyo Isbaheysiga Jubalii ayaa isaga waxaa hada ku socota dacwad ku aadan rabshadihii ka dhacay Kenya sanadihii 2007-2008, waxaana isaga iyo kuxigeenkiisa William Ruto maxkamada Caalamiga ah ee ICC ku wada baaritaan.
Waxaan la ogeyn sida wadamada caalamka iyo kuwa reer Galbeedka gaar ahaan ay ka yeeli doonaan haduu Kenyatta kusoo baxo doorashada Madaxweynaha Kenya.
Hadalada kasoo baxay madaxda CORD ayaa muujinaya in ay dhici karto murranka ka taagan codbixinta inuu noqdo mid xiisad ka dhasha oo maxkamada la isla tago, Raila Odinga ayaan weli isagu la hadal saxaafada, sidoo kale musharaxiinta kale ee tartanka Madaxweynaha ayaan weli si rasmi ah uga hadlin saxaafada tan iyo intii ay doorashada dhacday Isniintii lasoo dhaafay (4tii Maarso).
Halkan Toos uga daawo halka ay mareyso tirinta cododka

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved