Afhayeenkii Al Qaida Sulaymaan Abu Qayd oo maxkamada Maraykanka lasoo taagayo

Friday 8 March 20130 comments


Afhayeenkii hore ee Al Qaida Sulaymaan Abu Qayd ayaa markii ugu horeysay maanta (Jimce) lasoo taagayaan maxkamada magaalada New York ee dalkaasi Maraykanka.

Suleymaan Abu Qayd oo dhawaan loo soo gacan gashay dowlada Maraykanka ayaa qaba mid kamid ah gabadhaha hogaamiyihii Al Qaida ee la dilay Osama Bin Ladin.

Suleymaan Abu Qayd ayaa kamid ahaa xubnihii kasoo dagaalamay dalka Afghaanistaan wuxuuna horey Afhayeen ugu soo noqday Al Qaida sanadkii 2001, xiligaasi oo ay kooxda Al Qaida sheegatay weeraradii ka dhacay magaalooyinka New York iyo Washington.

Suleymaan Abu Qayd ayaa lagu xasuustaa digniinihii uu hawada usoo marin jiray shacabka Maraykanka kadib weeraradii 911, xiligaasi oo uu ku sugnaa Afghaanistaan isagoo garab fadhiya hogaamiyaha Al Qaida Osama Bin Ladin iyo waliba hogaamiyihii la dilay ee militariga Al Qaida.

Suleymaan Abu Qayd ayaa kamid ah hogaankii Al Qaida ee ka badbaaday dagaaladii Afghaanistaan, wuxuuna u baxsaday isaga iyo in badan oo kamid ah wiilashii uu dhalay Osama Bin Ladin, dalkaasi Iran oo uu in muddo ah ku sugnaa.

Qabashadii Suleyman Abu Qayd

Bishii lasoo dhaafay ee Feberaayo 2013, ayaa Suleyman Abu Qayd lagu qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib markii uu si qarsoodi ama Tahriib ah uga soo galay dhanka wadanka Iraan. Warar saxaafada qaarkeed baahiyeen ayaa sheegaya in arrintan ay ka danbeeyeen sirdoonka dalka Iraan oo la sheegay inay si tahriib ah kusoo geliyeen Suleymaan dalkaasi Turkiga.

Saxaafadda ayaa sheegtay in sidoo kale sirdoonka Iran ahaayeen kuwii la xariiray Sirdoonka Maraykanka CIA oo u sheegay in Suleymaan ku sugan yahay Hotel ku yaal bartamaha magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay in dalka Iraan ku doonayey inuu ku dhaawaco xiriirka ka dhaxeeya dalka Turkiga iyo Maraykanka. Sidoo kale Iran ayaa arrintan uga gol lahayd in ay ku ceebayso dunnida Islaamka wadanka Turkiga oo indhawaale awood kusii dhex yeelanayey wadamada Caalamka, sidan waxaa qoray qaar kamid ah warbaahinta Turkiga.

Iran ayaa lagu eedeeyey inay dooneysay inay xiisad ka dhex abuurto Turkiga iyo Maraykanka hadii Turkiga diido ninkaas inuu u dhiibo Maraykanka, sidoo kale Iraan ayaa dooneysay sida la sheegay inay xiisad colaadeed oo cusub ka dhex abuurto Al Qaida iyo Turkiga marka wadanka Turkiga si toos ah ninkaasi ugu dhiibo Maraykanka.

Dowlada Iran ayaan iyadu ka hadlin sababta ay dalkeeda uga soo tarxiishay Suleymaan isla markaana usoo gelisay gudaha dalka Turkiga. Tarxiilka Iran ku sameeyeen Suleymaan Abu Qayd ayaa kusoo beegmaya xili beesha caalamka ay cadaadis saareyso Wadanka Siiriya iyo xukuumada Bashaar Al Assad ee shiicada ah oo isla markaana xulafada yihiin wadanka Iran.

Ciidamada Booliiska Turkiga ayaa gacanta kusoo dhigay Suleyman Abu Qayd oo isagu sheegay inuu u yimid Turkiga inuu halkaasi magangelyo ka weydiisto. Booliiska ayaa hotelka Suleyman tagey kadib markii CIA lasoo xiriireen dowlada Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa arrintan cadaadis ku noqotay iyadoo Maraykanka durbadiiba codsaday in loo soo gacan gasho Suleymaan, balse Turkiga ayaan jecleysan inay si toos ah ugu dhiibaan Suleymaan dalkaasi Maraykanka, waxayna doorbideen inay Suleymaan ka codsadaan inuu dalkooda isaga baxo.

Suleyman ayaa u dhashay dalka Kuwayt. Waxaana la sheegay inay qabteen ciidamada dalka Urdun xili uu isku dayey inuu tago dalka Kuwayt oo uu kasoo jeedo, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalka Urdun, todobaadkii lasoo dhaafay ayuu dalka Urdun uu ku wareejiyey Suleymaan saraakiil ka socota danbi baarista Maraykanka ee FBI oo tagay magaalada Amman ee dalka Urdun.

Wadamada Urdun iyo Maraykanka ayaa horey u kala saxiixday inay is dhaafsadaan dadka maxaabiista ah.

Maxkamada Suleyman Abu Qayd ayaa ah mid si weyn loo sugayey isla markaana wuxuu kamid yahay hogaamiyayaashii xiriirka tooska ah lalehaa hogaamiyihii ugu sareeyey ee Al Qaida.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved