Dekeda Muqdisho oo laga dhoofinayo xoolihii ugu badnaa muddo 22 sano ah

Friday 8 March 20130 comments


Dekeda magaalada Muqdisho ayaa maanta laga dhoofinayaa xoolihii ugu badnaa ee ka dhoofo tan iyo burburkii dowladii hore.
Xoolo isugu jira geel iyo ari ayaa ka dhoofaya dekeda iyadoo laga dareemayo dekeda mashquul badan. Inka badan kun neef oo isugu jira geel iyo ari ayaa lagu wadaa in laga dhoofiyo dekeda Muqdisho.
Dekeda Muqdisho ayaa tan iyo burburkii dowladii hore ahayd mid aan laga dhoofin jirin xoolo badan iyadoo dekedaha Berbera iyo Boosaaso ay ahaayeen dekedaha xoolaha laga dhoofiyo.
Dalka Soomaaliya ayaa hore ugu dhoofin jiray dibbada xoolo faro badan waxaana xoolahaa dalka ka soo geli jiray lacag badan.
Dadaalo badano oo la sameeyay ayaa suurtogeliyay in dekeda Muqdisho markii ugu horeysay laga dhoofiyo xoolo nool.
 ______________________________________________________________

Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved