Berlusconi oo maxkamada Italy ku xukuntay 1 sano oo xabsi ah

Friday 8 March 20130 comments


Raysalwasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayey maxkamada dalka Talyaaniga ku xukuntay hal sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dacwad lagu soo oogay oo la xariira inuu bixiyey xog xasaasi ah.
Silvio Berlusconi ayaa lagu eedeeyey inuu xog sir ah oo laga soo duubay talefoonada Booliiska Talyaaniga uu si hoose u siiyey Jaraa’idka uu leeyahay ee kasoo baxa dalkaasi Talyaaniga.
Maxkamada ayaa ku xukuntay 1 sano inuu xabsiga galo hogaamiyihii hore ee Talyaaniga, kana mid ah madaxda xisbiyada dalkaasi, Berlusconi ayaa sidoo kale ah maalqabeen leh inta badan warbaahinta madaxa banaan ee dalkaasi Talyaaniga.
Balse waxay u badan tahay in Berlusconi uusan geli doonin wax xabsi ah, maadaama la sheegay in uu xukunkan racfaan ka qaadan doono. Taasi oo meesha ka saaray xukunka Maxkamada darajada 1aad.Sharciga dalka Talyaaniga ayaa qoraya in qofkii ka weyn 75 sano oo ay maxkamad ku xukunto wixii ka yar 2 sano oo xariga ah, aysan khasab ahayn inuu xabsiga galo. Silvio Berlusconi ayaa isagu hada jira 76 sano.
Dhinaca kale waxaa weli ku socota Berlusconi labo dacwadooda oo la xariira inuu saaxiib la ahaa gabar aan qaangaar ahayn iyo waliba dacwado la xariirta musuq maasuq intuu xilka Raysalwasaaraha hayey.
Silvio Berlusconi ayaa bishii lasoo dhaafay dib ugu soo noqday siyaasada dalka Talyaaniga, isagoo xisbigiisa kamid ahaa labadii xisbi ee ugu cododka badnaa doorashadii guud ee ka dhacday dalkaasi. Xisbiga uu hogaamiyo Berlusconi ayaa hada heysta kuraasta ugu badan ee Golaha Odayaasha Talyaaniga (Senate), sidoo kale Golaha Wakiilada ayuu xisbigiisa kamid yahay kuwa ugu kuraasta badan.

















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved