Maansada Marag Haween Ee kuu Cabirayo Abwaan Khaalid Cali Qiimaha Haweenka Soomaaliyeed

Friday 8 March 20130 comments

Marag haween

Abwaan : Khalid cali laangadhe






Maansadan waxaa la yidhaahdaa marag haween waxaan sameeyey march 14 sanadka 2011 anoo ugu talo
galay in ay ka tahay ama aan ku maamuuso haweenka qaaliga ah ee soomaliyeed iyo xuska maalinta haweenka
aduunka

Markaa sida ayaa ay ku soo baxayday maansadani

Waxaanay ku bilaaban tay sidan:-

 
Aaminaay mid dheh

Mid maamuus badan 

mid Labaad dheh

Mid aad marag u tahay

Mid sadexaad dheh

Milgaha maanso leedahay

Mid lama gafaan ah iyo

Marag baan manta ku furayaaye

Mid maamuus badan leh

baa miirta iga keentaye

markhaati bilaahiya iyo waa

mid been ma sheegto ah

haween waa hooyo iyo

hablo aad walaalo tihiinbay yihiin

habar yar iyo hablo aad

habrawadaag tihin bay yihiin

hale do kuu ah oo

aanan halmaaminbaa jirtee

heego quruxsan oo

halkooda joogta weeyee

hohob lama dhergaan iyo

hadhacyo weeyee

hoobaan bislaatay iyo

halkii lagu nastay weeyi

hiir waa beryey iyo hilaac weeyi

han la tiigsado iyo

hurin kheyr qabta weeyi

horaadka naaskiyo

lama hambeeyaanka

hiirtaanyo lagu ilaawaanka

halkeebaynu ka heli karnaa

hadii aanay iyagu jireen

hobol iyo huriye maanso

hadal haama kama buuxshaane

may hagranin hormood inay yihin

iyo halka ay inoogu jiraane

ana hiil baan u ahoo raad

ramad la dhigaan raacayaaye

runtu se waa iga guubo

garawshiiyo ,e

geel in laga bixiyoo

gamaan lagu galbiyaa

gobonimo ahaatee

gu,iwaaye gabadhi

guurbay mudan tahay

dayac iyo darányo in laga

ilaaliyey mudan tahay

dib jir iyo doqon

in laga duwey mudan tahay

daalo in loo dalxiis geeyey mudan tahay

daawashada dookheed in

ay u dheregtay mudan tahay

dalxiiska dunida diyaarad

in loo saaray mudan tahay

dacal ilaa dacal in lageeyo mudan tahay

haween haraadbay tiraan

iyo hogolbay kuu noqdaane

halkaad soo martay iyo

riiq beri samaadbay reebaane

hayn marka ay notayna hagranine

halka ay joogaanba

hadyadbay mudan yihiine

oon laga hagran karine

hurin dagaal maalinta

ay noqotayna hadhka galine

hiil iyo hubaa ay intaa kuu

hilayaanoo hadhsanine

haasaawe macaanbay

intaa hooda ku hayaane

haynta iyo hayaduba

waa ay deeqdaa ooyna diidine

hubaali waa calaf

iyo qadar mid la seegaane

ana gaari aan jeclahay

iyo gabdhaan si khaasa u salaamee

hakaad ogayd wey i belbelaysaa

ooyna bogasnine dalkaagaa i deeqee

hayeeshee hoodaad leedahay

iyo hal ma seegaane

hanweynibaa haween

dheertahoo la hubaaye

hadhka gali mayo

heer oon ku hantiyee

hanfi iyo bacadbaan i celin

heer oon ku heensadaaye

haadku haduu soo dhaco

oo hawada hafi ku leefay

kii hawada marayaan ahayn

iyo halka uu kugu ogyahee

igama godo xusuustaan

xaadhay xigmadi waa qaaliye

xili walba xaalbaan naftayda

siiyaa xujo lama arkaan weeyiye

xul xero magac adduun

dhul soomaali degto iyo xaas weeyiye

xaashee haween waa qabid

xarago iyo xididi weeyi xaawalaye

xabaal ma gaydo weeyi iyo xul qaali ahe

aan dhacan saaro marag haween

yaanan duurka xuline

xaawalay xurmay mudan yihiin

xaashe weeyi libiniye

xaashi iyo qalin ma deeqaan

xoor waa daray caanoode

xaga baaxad ma sinee

midi waa suuban subagu da,aayo

midi waa salwanaag

soorta ku hortaala

seegaysid ayaamee

midi waa caato yar

oo cambaruurka caaro dhaaftay

xaga muuqa ma sinee

midi waa muraayad

muhinaysa naftaada

midi waa maaweeliya meelna

u baxay ayaamee

midi waa maadeeya

muraayad tv marna aad shidanay

midi waa muuq dheer

meel fog laga soo arkaayo

midi waa martida soora

iyo maamuuska adkeeya

meeqaam u yeesha madax

iyo miskiin midhna aan hayne

midi waa midigtaada

marna aad ka maarmine

midi waa muuminad

mayaduba aanay shaqeyne

midi waa minweynta reerka

maamulkiisa meel fiican ku haysee

midi waa minyaro ma huraan noqotee

midaa aan meel ku reebee

marag baan idiin ahoo

meelna idinkaga hadhi maaye

maalin kali ah sanadkii

miis inlaydiin saaro

marna meesha ma qabato

mansabyada qaranada

masiirkiin in la tiro

iyana midh meesha qabata maaha

midbaanse idiin sheegayaaye

maad mataanoowdaan idilkii

meel kali ah ku ururtaan

meeqaamka aad leedihin ileen la ma tireene

quruxi waa midabeeya

raaxada la miliq tidhaahda midiye

rabaytoodaa runta sheegta ileene

rugta ay dagaanbaa

roobku rusheeyaaye

raxmad eebi bixiyey bay

runtii yihiinene raaliyooyinkuye

rafaad kaad u martey

raaxo kugu ilowsiiyaane

rife iyo rudhe runta kama sheegaane

raaliyoo ragu in aanu sinayn

raali gelin baan kaa siyee

reer magaal iyo reer miyi

rayigaa uu is dheer yahaye

ragu ramlaay ma sinee

reer wada yaal rug kali ah

rag hadii la soo xulo

raran dugsadaa ku jira

ridaa gadhka dheer leh

rayi dhaamin ood raqdiisu dhaantaaye

ruuxii nasiib u heshana

ragaba in ay ka caagtaa dhacdoo

rako dheer ay ka fuushee

nolosheena riqi waa hore

kama madhnoo raali kama ihiye

ruux dumar waa loo tashaa

raga qaarbaa aamin sane

riyo beri hora ayse taasi ahayde

reer talo wada lahaan

iyo isku duubnibuu ku dhisanyahay ramlaaye

maansadu waa marag haween

mawjado in aanan furinbaan

maandhow maanka galiyee

nuurka haween ood weydaa

waa nimco la,aan iyo naqe

namber koowbey ka yihiin

nimcooyinka eebe bixiyee

ninoowna ha dhayalsane

lugooyo lagu ma dayo oo

libin lagama gaadho ileene

liishaan ay kugu gamaan

baanay marna laabta kaala wayine

leeb iyo qaanseey qarsadaan mar

wax ay qoonsadaane

laansare guudkeedbay

laqanyadaada la fuulaane

lugooyo adigaa iskuugu

wacan oo ay laydhu ku sidataaye

liibaan in lagu wadaa

loo dooray oo lawada ogayahaye

meel fog inaba kama miirto

murtidoo meel dhawbay ii jirtaaye

laan curub ah sideedaa

laabta ku salaaxaaye

macasalaama ayaan

marag haween

meeqaan uga dhigaye

By Abwaan : Khalid cali laangadhe
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved