Uhuru oo helay codadka u badan Doorashadii Kenya & Odinga oo aan weli is-dhiibin

Saturday 9 March 20130 comments


Waxaa xalay saqdii dhexe lasoo gaba gabeeyey tirinta cododka Doorashadii Madaxweynaha ee dalka Kenya, waxaana cododka ugu badan hada heysta musharaxa Xisbiga TNA iyo Isbaheysiga Jubilee ee Uhuru Kenyatta.
Uhuru Kenyatta ayaa helay in ka badan 6 Milyan cododka shacbaka Kenya, halka musharaxa kusoo xiga oo ah Raysalwasaare Raila Odinga uu helay codod ka badan 5 Milyan.
Ku dhawaaqida Musharaxa guuleystay ayaa daqiiqadaha soo socda laga sugayaa inay ku dhawaaqaan Guddiga Doorashada (IEBC) ee dalka Kenya oo xaruntooda warsaxaafadeed ku qabanaya, halkaasi oo ay hada ku sugan yihiin dhamaan saxaafada dalka Kenya iyo kuwa caalamka ee la socday doorashada dalka Kenya ka dhacday todobaadkii lasoo dhaafay.
Natiijadii ugu danbeysay ayaa noqotay sidatan:
Uhuru Kenyatta:  6.173.433 (Cod)
Raila Odinga: 5.340.546 (Cod)

Inkastoo Uhuru Kenyatta uu helay codod ka badan 50% oo lagu daray hal cod, taasi oo awood u siineysa inuu wareega 1aad ee doorashada ku guuleysto, ayaa hadana waxaa dhaliil xoogleh kasoo yeeraysaa dhanka Raila Odinga oo horey u sheegay inaysan ku qanacsaneyn habka cododka loo tiriyey.
Xalay saqdii dhexe markii 2dii subaxnimo ahayd saacada Kenya ayaa la dhameystiray tirinta cododka, waxaana isla markaasi guddiga Doorashada sheegeen in saaka 11ka subaxnimo ku dhawaaqayaan natiijada rasmiga ah, arrintaasi oo ay durbadiiba qeylo ka keeneen ergada xisbiyada ka socday ee ku sugnaa xarunta ay ku shaqeenayaan guddiga Doorashada ee Boma.
Weli waxaa hada la sugayaa in Guddiga ay ku dhawaaqaan Natiijada rasmiga ah iyadoo ay dhaaftay saacadii ay horey u sheegeen ee ahayd 11kii subaxnimo Sabtida, balse waxaa si weyn loo sugayaa ku dhawaaqida natiijada rasmiga ah.
Taageerayaasha Uhuru Kenyatta ayaa isu diyaarinaya xaflad weyn oo debaal deg ah waxayna isku aruursadeen Jaamacadaha Katooliga ee magaalada Nairobi, halka Raila Odinga lagu wado inuu shir jaraa’iid uu qabto kadib markii natiijada lagu dhawaaqo, waxaana la hadal hayaa in laga yaabo in arrintan maxkamada loo gudbiyo hadii Raila Odinga iyo isbaheysigiisa CORD ay ku qanci waayaan natiijada Doorashada.
Xalay iyo saaka ayey banaanbaxyo debaaldeg ah ku dhigeen taageerayaasha Uhuru Kenyatta magaalooyin kala gedisan oo ay kamid yihiin, Nukuru, Thika, Kikuyu iyo Bartamaha magaalada caasimada ah ee Nairobi.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved