Maxkamada Masar oo xukuno horleh oo isugu jira xabsi iyo dil ku riday dhalinyaro iyo saraakiil

Saturday 9 March 20130 comments


Waxaa maanta oo Sabti ah maxkamada Racfaanka ee dalka Masar xukun dil ah ku riday 21 dhalinyaro oo loo heystay inay ka danbeeyeen rabshadihii ka dhacay Istaadiyumka magaalada Port Saciid sanadkii 2012.

Maxkamada Qaahira ku taal ayaa xaqiijisay xukunkii hore ee dilka ahaa ee lagu riday 21 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey inay ka qeyb qaateen shaqaaqadii ka dhacday Istaadiyumka Port Saciidi Bishii Feberaayo ee sanadkii 2012 oo ay ku dhinteen dad gaaraya 74 qof.
Maxkamada ayaa sidoo kale xukun horleh ku riday qaar kamid ah dadka danbiyada lagu soo eedeeyey oo uu ku jiro Taliyihii ciidamada Booliiska ee Port saciid Jeneral Essam Samek ayaa lagu xukumay 15 sano xariga ah.
Maxkamada ayaa dhinaca kale siideysay 8 kamid ah ciidamada Booliiska oo ahaa kuwii amniga Istaadiyumka sugayey arrintaasi oo ay si weyn uga caroodeen shacabka. Waxaa iyaguna jiray qaar kamid ah dadka horey loo soo xiray oo ay maxkamada siideysay.
Xukunkii hore ee 21 qof lagu xukumay in la dal-dalo ayaa ahaa mid ay si weyn uga horyimaadeen shacabka magaalada Port Saciid oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay si joogto ah uga dhacayeen rabshado ay dad ku dhinteen. Waxayna mudaharaadyadaasi isu bedaleen kuwo looga soo horjeedo xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Mursi.
Rabshadii ka dhacday Istaadiyumka Port Saciid sanadkii lasoo dhaafay ayaa ahayd mid dhexmartay taageerayaasha kooxda Port Saciid ee Al-Masry iyo Taageerayaasha kooxda Qaahira ee Al-Ahly oo halkaasi marti ku ahaa, waxaana iska horimaadkii dhexmaray labada dhinac ku dhintay 74 qof.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved