Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo bilaabaya Dib U Eegista Dastuurka Federaalka

Friday 8 March 20130 comments


Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maalinimada beri ah uu furmi doonaan fadhiyada uu Golaha ka yeelanayo dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka maanta kasoo baxay Xafiiska warfaafinta ee guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay xiliyada ay bilaabanayaan fadhiyada Baarlamaanka ka yeelanayo dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya, ayaa u qornaa sidatan:


WARSAXAAFADEED


Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Maalinnimada Berri Ah Daah Furaya Dib U Eegista
Dastuurka Dalka.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinnimada berri ah si rasmi ah u

daah furaya dib u eegista ay ku sameynayaan Dastuurka Dalka kaasi oo ay horey si KMG ahaan
ugu ansixiyeen ergo gaareysay 750 xubnood.

Furitaanka kulankan daah furka u ah dib u eegista Dastuurka Dalka ayaa waxaa lagu

casuumay dhammaan gudiyadii madaxa banaanaa kuwaasi oo marti ku noqon doona madasha
islamarkaana Xildhibaannada kalasoo qeybgali doona kulanka oo si rasmi ah u bilaaban doona
9ka subaxnimo ee maalinnimada sabtida berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 9ka bisha
March 2013.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa

yiri :- “dib u eegista uu Golaha Shacabku ku sameynayo Dastuurka Dalka waa mid inoogu
fadhiga muhiimad weyn waayo qeybihii kala duwanaa ee Shacabka Soomaaliyeed oo aynu la
kulannay intii uu xirnaa kal fadhigii Koobaad ee Baarlamaanka talooyinkii ugu badnaa ee ay soo
jeediyeen waxaa ugu muhiimsanaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan dib u eegis ugu sameyno
Dastuurka Dalka hadaba inaga oo fulineyna codsigii shacabka ayeynu maalinnimada berri ah si
rasmi ah u daah furi doonnaa dib u eegista Dastuurka”

Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka

waxa uu ku booriyey shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iney si toos ah isha
ugu hayaan qaabka ay u socdaan howlaha Baarlamaanka islamarkaasina aysan shacabku
hada iyo goor ka leexan iney talooyinkooda sidan oo kale toos ugusoo gudbiyaan Gudoonka
Baarlamaanka ayadoo Golaha shacabkana uu had iyo goor u taaganyahay inuu sidan oo kale
ugu shaqeeyo talooyinka qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka Dalka ayaa waxey socon doontaa in mudo ah waxaana

mudadaasi ay socoto laga doonayaa dadweynaha Soomaaliyeed iney joogti ula socdaan
qodobada uu Baarlamaanku uu had iyo goor ka doodayo si ay ugasoo dhiibtaan talooyinkooda
ayadoo sidoo kalena ay jiri doonaan kulammo dhexmari doona Gudoonka Golaha Shacabka iyo
Bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo aragtida iyo talooyinka shacabka lagu dhageysan
doono.

—-DHAMAAD——
Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved