Madaxweynaha Puntland oo furay Waddo laami la saaray magaalada Garowe

Saturday 9 March 20130 comments


Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno kamid ah xukumadiisa ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu furay wado dib u dhis lagu sameeyey oo ku taal magaalada Garowe.
Waddadan laamiga la saaray ayaa loogu magacdaray Shiikh Cabdulqaadir Nuur Farax oo bartamihii bishii lasoo dhaafay lagu dilay maagalada Garowe.
Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka Beesha Caalamka ku maalgelisay 6 degmo oo kamid ah Puntland oo ay ku jirto degmada Garowe. Waa waddadii ugu horeysay oo laami la saaro magaalada Garowe, waxaana lagu wadaa in wado labaad sidan oo kale loo dhiso sanadkan gudihiisa sida uu sheegay Duqa magaalada Garowe Cabdi Nuur Cilmi.

Waddadan ayaa la sheegay inay ku baxday $150 kun oo dollarka Maraykanka ah. Barnaamijka Joint Program Local Governance (JPLG) ayaa ah mid ay maalgeliyeen wadamo dhowr ah oo kamid ah Midowga Yurub iyo reer Galbeedka iyo hay’adaha sida USAID.
Waxaana lagu maalgeliyey maamulada degmooyinka Puntland inay wax uga qabtaan adeegyada Bulshada iyadoo lagu bixiyey lacag ka badan $12 Milyan oo dollarka Maraykanka ah. Degmooyinka la sheegay in mashaariicdan laga fulinayo ayaa kamid ah Bosaso, Qardho, Badhan, Bander Bayla, Garowe iyo Eyl.
Degmada Gaalkacyo oo ah degmada Labaad ee ugu weyn Puntland marka laga yimaado Bosaaso, ayaan lagu darin maadaama horey Madaxweynaha u kala diray Golaha deegaanka, sharuudaha lagu xiray mashruucan ayaa ah in degmooyinka laga fulinayo ay leeyihiin Golayaasha deegaanka oo ay soo doorteen beelaha ku dhaqan deegaankaas.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved