Nadwadii masjidka Al Rowda ee Bosaso oo lasoo gabagabeeyay ++(Sawiro)

Saturday 9 March 20130 comments


Waxaa xalay masjidka Al-Rowda ee magaalada Bosaso lagu soo gabagabeeyey nadwo diini oo looga hadlayay ku xadgudubka diinta sababaha keena , raadadka ay soo martay iyo dardaaran guud oo ay jeedinayeen culimaa'udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu waawayn.


Nadwada ayaa looga gol leeyahay kahortagista fikirka takfiirka ee lagu banaysanayo dhiigga dadka islaamka ah oo ay ugu dambeeyeen dilkii loo gaystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax masjidka Badar ee magaalada Garowe xilli uu salaadda ku dhexjiray.

Gabagabadii nadwada socotay sadexdii habeen ee lasoo dhaafay ayaa xalay laga soo saaray bayaan guud oo ay culimada dirayaan guud ahaan shacabka.

Qodobada Bayaanka ayaa kala ahaa:

1-  Waxaan ummada ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga (scw) iyo faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah, maxaa yeelay iyagaa xadgudubka ka noqonaya gabaad adag, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa faafinta fiqiga sahlanaanta, ee tilmaanta u ah diinta Islaamka. Iyo kadigida shubhooyinka kuwa  xadgubay ay bulshada ku dhex faafinayaan, iyo barashada manhajka firqooyinka dhumay si looga digtoonaado in xiraaf kooda.

2- Waxaan ummada ugu baaqaynaa inay fahamto khatarta uu leeyahay xadgudubka ay wado kooxda Al-Shabaab, iyo inaan la isku khaldin shareecadii reebtay xadgudubka, lana dagaalantay iyo xadgudbkii la
reebay laftigiisii. Isla mar ahaantaana waxaan ka digaynaa ka hortaga xadgubka in loo adeegsado la dagaalanka Dacwada, ducaada iyo Diinta Islaamka.

3- Waxaan ku baaqaynaa in cilmiga laga qaato culimmada ehelka u ah, sida illaahay qur’aankiisa ku sheegay,  Waydiiya kuwa cilmiga leh hadii aydnaan idinku cilmi lahayn, “فاسئلوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون”    waxaana ku baaqaynaa in laga digtoonaado kuwa isu ekaysiinaya culimmada ee illaahay iyo rasuulkiisa ku been abuuranaya
iyo goobaha ay fikirka  xadgudubka ku faafiyaan, sida; warbaahintooda, qoraaladooda iyo fataawooyinkooda.

4- Waxaan ugu baaqaynaaa maamulada waddanka ka jira inay gutaan masuuliyada ka saaran ilaalinta ummada iyo amnigeeda, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimmada iyo  isku xirnaanta waaltinimo ee bulshada.  Waxaan kaloo ku baaqaynaa in dhamaan qaybaha bulsha ee kala duwan ay kawada qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa khatarta  halista ah ee kooxda Shabaab, iyadoo la adeeg sanayo wado kasta oo suura gal ah Shareecadana ku banana.

5- Waxaan ku baaqaynaa in la daaweeyo sababaha xadgudubka keenaya, siyaasad ahaan, mushtamac ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Iyo sidoo kale in la dhidbo nidaam cadaaladeed oo ku qotoma shareecada Islaamka,
bulshaduna u simantahay, maxaa yeelay cadaaladu waa saldhiga dowladnimmada iyo daganaanshaha.

6- Waxaan ugu baaqaynaa madaxdda Al-shabaab iyo xubnahooda inay illaahay u soo noqdaan, kana waan toobaan gaalaysiinta muslimiinta iyo daadinta dhiigooda, iyo inay dib ugu  soo noqdaan Sunnada Nabiga (scw)
iyo ummaddooda ay ka baxeen.

7- Waxaan ugu baaqaynaa Maamulada, Isimmada, iyo bulshada  qaybaheeda kala duwan inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan, magangalinta, iyo nolol usamaynta dhalinyarada kasoo baxa fitnada Shabaab, una toobad
keena illaahay, una soo noqda Sunnada Nabiga (scw) iyo ummadoodii fikirka takfiirku ka dhexsaaray, hubkana ugu dhiibay.


Culummada ku Saxiixan Bayaanka

1-    Sh. Daahir Aw Cabdi
2-    Sh. Axmed Daahir
3-    Sh. Xasan Xuseen
4-    Sh. Maxamed Macalin Axmed
5-    Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari
6-    Sh. Axmed Cabdisamad
7-    Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)
8-    Sh. Cabqani Qorane
9-    Sh. Xasan Dhooye
10-Sh. Maxamed Maxamud Ciise
11-Sh. Axmed Faarax Garaase
12-Sh. Maxamed Faahiye Ciise
13-Sh. Abdiraxmaan Aw-ciise Muuse
14-Sh. Cismaan Maxamud Xaajid Dirir
15-Sh. Faarax Maxamed Cajab.

SAWIRADA 

















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved