Live: Guddiga Doorashada Kenya oo ansixiyey inuu Guuleystay Uhuru Kenyatta Madaxweynaha cusub ee Kenya

Saturday 9 March 20130 comments


Guddiga Doorashada ee dalka Kenya (IEBC) ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu Doorashada Kenya ku guuleystay cododkii looga baahnaa Uhuru Kenyatta musharaxa xisbiga TNA iyo Isbaheysiga Jubilee.
Guddiga Doorashada oo qadar yar kahor xaruntooda Nairobi ee Boma shir jaraa’iid ku qabtay ayaa si rasmi ah u shaaciyey natiijadii kama danbeysta ahayd ee cododkii ay shacabka Kenya ka dhiibteen qofka noqonaya Madaxweynaha cusub ee dalkaasi.
Guddiga ayaa sida uu qabo Dastuurka Kenya qodobkiisa 4aad akhriyey dhamaan cododkii ay heleen musharaxiinta gaarayey 8da ee ku tartamayey xilka Madaxweynaha, wuxuu guddiga sidoo kale tirada ku daray cododkii khaldamay balse ay shacabka dhiibteen, iyo tirada guud ee codka la dhiibtay.
Doorashada Kenya ayaa dadkii codkooda dhiibteen gaarayeen in ka badan 12 Milyan oo qof, waxaa lagu sheegay tirada codkooda dhiibatay (12.330.028). Guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa ka diiwaangashan inay codkooda dhiiban karaan (14.352.533) waxayna muujineysaa tirada codka dhiibatay inay tahay 86% dadkii diiwaangashanaa.
Natiijada labada Musharax ee ugu codka badnaa ayaa kala noqday.
Uhuru Kenyatta:  6.173.433 (cod)  oo u dhiganta   50.7% isugeyn cododkii la dhiibtay
Raila Odinga:  5.340.546 (cod)
Sida uu qabo Dastuurka cusub ee Kenya musharaxii ku guuleystay 50% cododka iyo hal cod oo dheeri ah inuu ku guuleystay doorashada, sidaa daraadeedna ay shaacinayan inuu doorashada ku guuleystay Uhuru Kenyatta.
Kadib wax yar markii guddiga ku dhawaaqay Natiijada ayaa waxaa goobta soo gaaray Uhuru Kenyatta si uu u qaato shahaadada cadeenaysa inuu ku guuleystay doorashada.
uhurKenyattadhaarin1
Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa ah hada 51 sano jir, waxaana dhalay Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Kenya Jomo Kenyatta, wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalkaasi hogaanka u qabta kadib doorashadii ugu adkeyd oo soo marta wadanka Kenya xili la ansixiyey Dastuur cusub oo uu dalkaasi yeeshay.

Guddiga Doorashada ayaa u mahadnaqay dhamaan saxaafadda iyo waliba shacabka Kenya sida wanaagsan oo ay hawshooda ugu fududeeyeen, waxayna ka raali geliyeen caqabadihii kasoo baxay codbixinta Electironikada iyo dib u dhaca ku yimid shaacinta musharaxa ku guuleystay doorashada.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved