Tirinta Cododka doorashadii Kenya oo socota iyo Eedeynmo bilowday [Sawiro]

Tuesday 5 March 20130 comments

Waxaa socota tirinta cododka Doorashadii shalay ka dhacday dalka Kenya.


Guddiga Doorashada ee wadanka Kenya ayaa shaaciyey in si wanaagsan ay ku dhacday Doorashada marka laga yimaado shaqaaqooyin ka dhacay magaalooyinka Gaarisa, Kilifi iyo Mombasa.
Guddiga Doorashada ayaa weli wada tirinta cododka iyadoo ay durbaba soo baxayaan eedeynmo ka imaanaya qaar kamid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha u tartamaya.
Doorashada Guud ee dalka Kenya ayaa ah mid taariikhi ah waana markii ugu horeysay oo ay doorasho dhacdo tan iyo intii la ansixiyey dastuurka cusub ee dalka Kenya, waana doorashadii ugu loolanka adkeyd oo ebid soo marta dalka Kenya.
Dalka Kenya ayaa waxaa ka diiwaangashan 14 milyan iyo 300 kun oo qof, kuwaasi oo la sheegay in shalay ay 70% codkooda dhiibteen, tiradaasi oo ah mid aad u sareysa.
Doorashadan ayey shacabka Kenya ku soo dooranayeen Baarlamaanka cusub, Golayaaha Deegaanka, Guddoomiyayaasha Gobalada, golaha Odayaasha iyo Madaxweynaha.
uhurucodbixin1
Arrintan ayaa keenaysa inay wakhti qaadato tirinta cododka oo la sheegay in illaa iyo hada la tiriyey 30% cododkii la dhiibtay, waxaana la hadal hayaa inuu cododka hada ku horeeyo Musharaxa Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ee xisbiga TNA, ahna Raysalwasaare kuxigeenka Kenya.
odingacodbixin1
Balse waxaa soo baxay eedeynmo ka yimid dhanka Xisbiga ODM oo uu hogaamiyo Raysalwasaaraha xilka haya Raela Odinga, afhayeen u hadlay xisbiga ODM ayaa sheegay in meelaha qaarkood cododka lagu qaadayey habkii hore oo ahayd qoraal, halka inta badan cododka shacabka looga qaadayey nidaamka Electroniga ah.
Xisbiga ODM ayaa sidoo kale sheegay in goobaha codbixinta qaarkood dhakhso la xiray, halka goobaha kale ee codbixinta qaarkood cododka laga dhiibanayey illaa xalay saqdii dhexe.
Mombasa
cododkaKenya1
Dhinaca kale shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Mombasa iyo Kilifi ee saaran xeebta ayaa waxaa ku dhintay qaar kamid ah booliiska iyo xubno kamid ah hawlwadeenada guddiga doorashada.

Afar kamid ah ciidamada Booliiska ayaa dhintay kadib markii koox boqolaal dhalinyaro ah gaaraya ay weerar ku qaadeen mid kamid ah goobaha codbixinta oo ku yaal deegaanka Mirinti, ee magaalada Mombasa.
Magaalada Gaarisa ee gobalka Soomaalida degto ee waqooyi bari ayaa waxaa sidoo kale laga maqlayey rasaas ay ridayeen ciidamada illaalada ka ah xarumaha codbixinta, waxaana horey loo xiray qaar badan oo kamid ah goobihii codka laga dhiibanayey.
Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa iyadu xaaladeeda degeneed walow ay jireen dhowr qof oo ay Booliiska u xireen arrimaha la xariira rabshado ay ka sameeyeen goobaha codbixinta.
Guddiga Doorashada
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya Axmed Isaaq Xassan ayaa sheegay in doorashada si guud ay hab wanaagsan ku dhacday walow uu sheeqay in dad ku dhinteen shaqaaqooyin ka dhacay goobaha qaarkood sida Mombasa.
Wuxuu ka codsaday dhamaan musharaxiinta inay nabada ka shaqeeyaan isla markaana wakhti siiyaan tirinta cododka.
Shacabka Kenya ayaa si toos ah telefishinada ugala socda tirinta Cododka iyo halka wax marayaan, waxaana weli jirta cabsida laga qabo in marka lagu dhawaaqo natiijada kama danbeysta ah in ay dhici karaan rabshado lamid ah kuwii ka dhacay dalkaasi dhamaadkii sanadkii 2007.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved