Maxkamada Racfaanka Banaadir

Tuesday 5 March 20130 comments


Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey go’aankii Maxkamada Racfaanka ee gobalka Banaadir kusii deysay haweenaydii sheegtay in la kufsaday.

Ban Ki Moon ayaa qoraal xafiiskiisa kasoo baxay lagu sheegay in Xoghayaha soo dhaweenayo go’aanka balse waxaa lagu sheegay qoraalkaasi in Qaramada Midoobay ka xuntahay xariga Wariyaha weli xabsiga lagu hayo.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in looga fadhiyo dowlada Soomaaliya inay wax ka qabato dadka falalka kufsiga geysta isla markaana maxkamada lasoo taago, wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowlada inay ka shaqeyso ka hortagida falalka ka dhanka ah xuquuqul Insaanka.

Ban Ki Moon ayaa sheegay in wariyaha la xiray xabsigiisa la dhimay balse go’aankaasi uu yahay mid uu ka xun yahay, wuxuuna kula taliyey Dowlada Soomaaliya inay xaqiijiso madax banaanida Saxaafada dalka Soomaaliya ka shaqeysa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kamid ahaa hogaamiyaasha caalamka ee sida weyn qeylo dhaanta uga soo saaray bishii Feberaayo kadib markii maxkamada Banaadir ay xukun ku riday Haweenayda sheegtay inay kufsadeen rag qaba dareeska ciidamada iyo wariyihii wareysiga ka qaaday.

Qoraalka Kasoo baxay Xafiiska Ban Ki Moon ayaa u qornaa sidatan:

“….The Secretary-General is gratified by the 3 March Appeals Court ruling in Mogadishu overturning the conviction of an alleged rape victim accused of maligning the reputation of the State. He regrets, however, that the sentence against a journalist charged in connection with the case, while shortened, has been upheld.

The Secretary-General welcomes the statement by the Prime Minister reaffirming his Government’s commitment to independent media and freedom of expression.

The Secretary-General urges the Government of Somalia to ensure that allegations of sexual violence are investigated and perpetrators are brought to justice. He emphasizes the importance of respect for human rights and a fair judicial process in the public life of Somalia….”


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved