Wiil u dhashay Dalka Hungary ayaa ku dhaqaaqay fal lala yaabay oo ah inuu Gabadha uu qabo ama Xaaskiisa ka tolay Afka.

Boolisku wuxuu gacanta ku dhigay Ninka falkan ku kacay oo 27 jir ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu Haweeneydiisa kula kacay fal dhimasho horseedi karay.
Wali lama garanayo sababta dhabta ah ee ku kaliftay Ninkan inuu Xaaskiisa Afka ka tolo. Waxase la sheegay in Falku uu ka dhacay Aqalka ay ku wada noolaayeen Lamaanahan.
Wararku waxay sheegayaan in Ninka tallaabadan ku kacay qudhiisa uu la xiriiray Booliska kana dalbaday inay gargaar u fidiyaan Xaaskiisa oo markaas halis ku jirtay.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment