ila Tali : kalsooni badan ayaan siiyay, balse arin xanuun badan ayuu igu abaal guday.! Monday, March 4, 20130 comments

Monday 4 March 20130 comments

Waa markale iyo barnaamijkeenii ( ila Tali ) oo aan maanta idinkugu heyno

qiso xanuun iyo murugo badan taasoo ay inoo soo dirtay
gabar ka mid ah aqristayaasha ku xiran Website-kan.:

Qisadan oo ah mid xanuun iyo walbahaar caashaq xambaarsan
ayaa sidan u qorneed markii ay ina soo gaartay:

Waxaan ahay gabar da’yar oo 18 jir ah, waxaan jeclaaday wiil
kaasoo markii hore aan si kadis ah isku baranay
balse caawinaad iyo garab qabasho aan markaas u baahnaa iga caawiyay
xiriir walaaltinimo ayaa na dhex maray isagoo ahaa wiil aad u wanaagsan.

Muddo ka dib waxaan is arkay anigoo wiilkii si xad dhaaf ah u dhex galay
isla  markaana wax walba isu sheegana sidoo kalena dareen gooni ah isu heyno.
runtii jaceyl iyo kalgacal aan xad laheyn ayaan u qaaday wuuna iga kasbaday.

Nasiib wanaag anigoo kala xishoonaya inaan jaceylkeyga u sheegto
ayuuba isagu iisoo bandhigtay in uu i jecel yahay oo uu marar badan qarsanayay
anigu isla markiiba waxaan u sheegay sida dhabta ah ee dareenkeygu ahaa.

Runtii waan isku faraxsaneyn jaceyl aan sawir laga bixin karin ayaana ina dhex maray
Kalsoonida aan isku qabnay ayaase wax walba kasii weyneyd
taasoo furaheeda koowaad uu ahaa ixtiraam balaaran oo inaga dhaxeeyay.

Marar badan ayuu iga dalbaday in uu kaamirada iga arko anigoon
si wanaagsan u labisneyn si uu u arko quruxdeyda qarsoon
balse xishood iyo cabsi ayaan marar badan uga diiday.

Markii danbe ayuu wuxuu cadaadis igu saaray in aan sawiro aan qaawanahay usoo diro
maadaama aan kaamirada ka diiday, ayadana waan isku dayay inaan diido
lakin jaceylku waa balaayee, markii danbe anigoo raali ah ayaan is arkay
waxaana u diray sawiro cowradeydu muuqato oo aanan dhar wanaagsan xirneyn.

Wuxuu iga balan qaaday inuu xifdin doono oo xitaa uu iigu dhaartay
balse nasiib xumo marbaan isku dhacnay, arimo dhanka qoyska ah awgiis.

Waalidkey ayaana igula taliyay in aan wiilkaas iskaga haro oo aan faraha kala baxo
ayagoo igu wargelinaya in noloshiisa hoose ay tahay mid qariban
oo ay jiraan wax yaabo badan oo uu iga qariyay.

Waalidkey taladiisa ayaan qaatay maxaa yeelay talo waalid waa lama diidaan.
balse yarkii jeceylku inaga dhaxeeyay ayaa lasoo baxay waji aanan marnaba ka filan
isagoo igu xujeeyay in aan guur qarsoodi ah ka aqbalo
amaba aan halmar si xaaraan ah isugu tagno,

Hadii kale ayuu iigu hanjabay waxaan dhexda kaa dhigi doonaa fadeexad
aadan waligaa kasoo kabsan,
sawiradaada qaawan ayaana aduunyada ku faafin doona.

Runtii waji gabax iyo wadna xanuun ayey igu abuurtay ficilkaasi
marnaba kama filaneyn, balse hada ma garanayo wax  aan sameeyo
si walbo waan isku dayay inaan isaga maslaxeeyo,
balse waxa uu ka fuqi la’yahay wax walboo dhaco anigoo halmar ku dhadhamin
malaga yaabo in aan kaa samro ama kaa haro.

Xitaa waan isku dayay inaan uga cabsiiyo Police-ka ayaan kugu dacweynayaa
lakin waxa uu taagan yahay, waxaad doontid keen
sharaftaada ayaan wasaqeynayaa taas ayaana ka daran Police-ka aad sheegeyso.

Runtii dhib aan la koobi karin ayaa i heysto iyo walwal
muddo dheerna si wacan uma harsan umana hoyan.

Fadlan ila taliya walaalayaal maxaan sameeyaa?
Waxaad doontid samey miyaan dhahaa?
Police-ka miyaan ku dacweeyaa?
Waalidkey miyaan u sheegaa arinta ceeb kasto ha i qabsatee?



_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved