Daawo Sawirada Xaaska Madaxweyne Obama oo laga qaadi wayay salaanta iyo Obama oo ka xanaaqay

Monday 4 March 20130 comments

Warbaahinta Dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay Sawiro muujinaya xaaska madaxweyne Obama oo slaaanta laga qaadi waayay, waxaana sawirkan uu dhaliyay buuq badan.


Ra’isul wasaarihii hore ee Dalka Talyaaniga Silvo-Ber-leskooni ayaa salaanta ka diiday inuu ka qaado marwada madaxweynaha Mareykanka Brack Obama.

Silvo-Ber-leskooni ayaa sheegay in sababta uu uga diiday salaanta Xaaska madaxweyne Obama ay tahay isagoo caadeysan inuu salaamo Hal qof wax kabadan oo afrikaan ah, wuxuuna sheegay in qof kasta uu leeyahay wax u gaar ah, taasinaya ay isaga u gaar tahay.

Madaxweyne Obama ayaa ka dalbaday in hadii hadalkaasi uu jiro uu ka bixiyo raali galin, hadii kalana waxaa uu sheegay inuu qaadi doono talaabo ku haboon arintaasi.

Wargayska italianwebgallery ayaa soo bandhigay sawirkan, waxaana ka dhashay buuq badan, iyadoo labada dowladood ay hada sameynayaan xiriiro hoose oo la xiriira sawirkaan sharaf dhaca ku ah Dalka Mareykanka iyo guud ahaan Dadka Madow ee Afrikaanka ah.















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved