Haweeney Soomaali ah oo lagu Eedeeyay in ay Lunsatay Lacag Malaayiin Dollar ah &Xafiiskeeda oo la Weeraray(Daawo Muuqaal+warbixin)

Monday 4 March 20130 comments


Haweeney Soomaali ah oo ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in lagu soo eedeey qiyaano iyo wax isdabarin iyadoona la sheegay inay haweeneydaas ay lunsatey oo ayna si sharci daro ah ay ku qaadatey lacag malaayiin doolar ah oo aysan xaq u lahayn. 

Haweeneydaan oo alagu magacaabo Yaasmiin Cali islamarkaana ah milkiilaha goob lagu xanaaneeyo caruurta oo lagu magacaabo Deqo Family Centers oo ku taala magaalada Apple Valley ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in lagu soo eedeeyey wax isdaba marin iyo qiyaano weyn oo ay ku lunsatey lacag malaayiin doolar ah, haweeneydaan oo ay ka shifeen qaar ka mid ah shaqaalaheeda oo u dulqaadan waayey waxa ka socda goobtaas islamarkaana xiriir la sameeyey telefishinka FOX 9 ayaa waxaa dhawaantaan weeraray xafiiskeeda FBI iyo ciidmada booliiska ee dalkaas Mareykanka iyagoona halkaas ka qaatey dhamaan waxyaabaha la xiriiray maamulka xaruntaas sida computaradii iyo dukumentiyadii kale ee ay ku howlgalaysay xaruntaas lagu xanaaneeyo caruurtaan, Haweeneydaan ayaa waxaa la sheegay inay haweenka Soomaaliyeed ee xaqa u leh in laga bixiyo caruurtooda in loo haayo ay ugu yeeri jirtey inay ka howlgalaan xarunteeda ka dibna ay caruurta haweeenkaas ay lacag ku qaadan jirtey sidii inay hayso caruur ay hooyadood shaqo heshay oo u baahan in laga haayo caruurta, haweeneydaan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyey inay lacag badan ay ku siin jirtey hooyadii keenta meeshaas caruur badan oo loo haayo oo hadba ay hooyinkaas ku kala mushaar badnaan jireen siday uga kala caruur badan yihiin xaruntaas caruurta lagu xanaaneeyo, Haweeneydaan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay dowlada kaga qaadatey lacag gaareyso ilaa iyo 90,000 oo doolar oo raashin cunto la siiyey caruurtaas ah Laakiin arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay in caruurta cuntadaas la siinaayeyna uu keeni jirey ama laga soo qaadi jirey maqaaxida uu leeyahay walaalkeed oo lagu magacaabo Caydaruus Cali. 

Ugu dambeyntiina iyadoo sida la sheegay ay haweeneydaas oo leh laba meelood oo lagu xanaaneeyo caruurta oo ku kala yaala magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul ee dalkaas Mareykanka ay labadii todobaadka soo galeysay lacag dhan 50,000 oo doolar taas oo noqoneysa sanadkii ilaa iyo 2 malyan oo doolar, ayaa uu haweeneydaas uu baaritaan ku socdo oo wali la wado howlo lala xiriira sida ay wax u dhunsatey haweeneydaas ayaa mid ka mid ah shaqaalaha haweeneydaas waxaa uu sheegay inay haweeneydaan ay dhunsatey lacago fara badan asagoo sidoo kalena sheegay in hooyooyinkaas Soomaaliyeed ee maasha laga soo buuxiyey ee la sheegay inay ka shaqeeyaan aysan waxba qaban oo intey yimaadaan oo ay caruurtooda keenaan ay iska baxaan asagoo sidoo kelena sheegay inaanba looga baahneyn meeshaas hooyooyinkaas iyo shaqaalahaas tirada badan laakiin ujeedka ka dambeeya oo kalaiya ay tahay in looga qaato dowlada lacagahaas tirada badan islamarkaana lagu sharsiyeesto lacagahaas laguna qiyaano dowlada iyo heyadha kale ee caawinaada bixiya. 

Daawo Muuqaal Ahaan Sheekadaan Sida ay u Dhacday


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved