Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Boqortooyada Qatar++ [Sawiro iyo Video]

Sunday 3 March 20130 comments


Wafdi balaaran oo ka socda Dowlada Soomaaliya uuna hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Doxa ee xarunta Boqortooyada Qatar.

 Booqashada wafdiga Madaxweynaha ee dalka Qatar ayaa ah mid in muddo ah la filayey, waxaana safarkiisa ku wehliya xubno kamid ah Xukuumada oo ay ku jiraan Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam iyo Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Qadar Sheekh Xamad Bin Khalifah.

Dowlada Qatar ayaa la tuhunsan yahay in ay kaalin weyn ku lahayd taageeradii loo fidiyey xiligii uu tartanka ugu jiray Doorashada Madaxweynaha, waxaana horey marar badan magaalada Muqdisho u yimid wafuud ka socda dalka Qatar.

Dalka Qatar ayaa sidoo kale kamid ahaa wadamadii faro ku tiriska ahaa ee wafuuda usoo diray xiligii dhaarinta Madaxweynaha ee bishii Agoosto 2012 ka dhacday magaalada Muqdisho.

Boqortooyada Qatar gaar ahaan Amiirka dalkaasi Sheekh Xamad Bin Khalifah ayaa ah nin si weyn u daneeya arrimaha wadamada Jaamacada Carabta iyo waliba Qaarada Afrika oo ay maalgashi badan ku sameysay Boqortooyada Qatar oo hada lagu tilmaamo wadanka ugu qanisan caalamka.

Dowlada Qatar ayaa bishii November sanadkii lasoo dhaafay 2012 heshiis ganacsi oo taariikhi ah la gashay dowlada Itoobiya oo ay jaarka yihiin dalka Soomaaliya.

Boqortooyada Qatar ayaa sidoo kale  bishii Oktoober ee sanadkii hore 2012, shaacisay dib u dhis baaxadleh inay ku sameyn doonto Marinka Gaza ee dhulka Falastiin oo uu burbur xoogleh kasoo gaaray duqeymihii ciidamada Isra’iil.

Dib u dhiska Muqdisho

Waxaa la filayaa wafdiga ka socda Soomaaliya ee xiligan ku sugan dalka Qatar inay kala hadlaan dowladaasi dhanka dib u dhiska iyo ganacsiga, dowlada Soomaaliya ayaa xiligan dadaal dheer ugu jirta sidii loo horumarin lahaa xarumaha dowlada Federaalka isla markaana dib u dhis loogu sameyn lahaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wafdiga Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Nuur Tarsan oo isagu lagu wado inuu dalka Qatar kala hadlo arrimaha dib u dhiska Muqdisho iyo taageerada loo fidinayo maamulka gobalka Banaadir.

Al Shabaab iyo Dowlada

Dowlada Qatar ayaa horey loo sheegay inay waday iskuday ay ku dooneysay inay ku dhex dhexaadiso qaar kamid ah madaxda Sar sare ee Al Shabaab iyo Dowladii hore ee Federaalka ee kumeel Gaarka ahayd, qorshahaasi ayaan la aqoon inuu wax iska bedalay.

Wafdiga dhanka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Taliyaha Nabadsugidda Axmed Macallin Fiqi iyo xubno kale oo uu jiro Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir.

Daawo Soo dhaweyntii Wafdiga Soomaaliya loogu sameeyey Magaalada Dooxa, Qatar




_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved