Nin Shiinaha u Dhashay oo Ugu Dambeyntii Aqbalay In La Burburiyo Gurigii uu Ku Noolaa oo Waddo Ay Soo Gashay +(SAWIRO)

Sunday 3 March 20130 comments

Wenling (HMN) Nin oday ah oo u dhashay wadanka Shiinaha ayaa ugu dambeyntii ka soo dabcay amardiido culus oo uu kala hor yimid gurgiisa oo mudo dheer uu ku noolaa kaasoo waddo cusub oo ay dawladu dhowaan dhistay ay soo gashay.


Ninkan oo lagu magacaabo Luo Baogen ayaa wuxuu ku nool yahay magaalada Wenling ee gobolkaZhejiang.  Waxaana bishii hore uu diiday inuu guriga ka guuro si loo dumiyo maadaama jidka cusub ee baabuurta ee ay dawladu dhistay uu ku yimid gurigiisa.




Dadkii deganaa xaafad oo dhan ayaa mar hore meesha isaga guuray iyagoo aqbalay amarka dawlada ee ah in la baneeyo dhammaan guryaha halkaasi ku yaalla, waxaana dawlada ay dadkii ay raray siisay guryo kale, laakiin Luo Baogen iyo xaaskiisa ayaa ku adleystsy inay goobta iska deganaadaan iyagoo dhegaha ku fureystay amarka dawladu u soo jeedisay.
Luo Baogen iyo xaaskiisa ayaa sheegay in meeshan ay deganaayeen illaa 300 sano oo ay isir ahaan iyo deegaan ahaanba halkanm ku dhasheen iyadoo awoowayaashooda ay iska lahaayeen buqcadaasi oo ay ku lahaayeen guri shan dabaq ka kooban.
Luo Baogen oo kor u haya shahaadada cadeynta lahaanshaha dhulka,
Sheekada Luo Baogen iyo gurigiisa ayaa caan ka noqotay guud ahaan wadanka Shiinaha maadaama Luo Baogen oo ah nin 75 jir ah uu dioiday amarka dawlada ee ah inuu ka guuro wadada baabuurta ee gurigiisa ku timid.
Sharciyada dhulka
Dalka Shiinaha waxaa horey uga jiray sharciyo dhuleed oo dawlada u fasaxaya inay burburin karto guri kasta iyo dhisme kasta isla markaana ay qixin karto cid kasta haddii loo arko inay danta guud ku jirto, waxaana sharciyadaasi ay ahaayeen kuwo la sameeyay waqtigii nidaamka Shuuciyada.
Hase yeeshee hadda waxaa jira sharciyo xaq u siinaya muwaadiniinta lahaanshaha dhul iyo hanti gaar ahaaneed oo aysan dawladu burburin karin haddii aysan heshiis muwaafaqo ah ka helin mulkiilayaasha.  Waana taas sababta keentay in wada xaajood dheer ay dawladu la gasho Luo Baogen oo 75 jir ah.
Dadweynihii xaafada oo ka soo qeybgalay daawashada duminta guriga shanta dabaq ahaa.
Ugu dambeyntii
Wixii la is jiidhiidaba waxaa Luo Baogen iyo xaaskiisa ay aqbaleen inay goobta ka guuraan una guuraan guri kale,  Waxayna dawladu u kordhisay lacagtii markii hore loo ballanqaaday oo aad uga yareyd inta hadda la siiyey.  Warbaahinta ayaa sheegeysa in lacag gaareysa £26,000 loogu kordhiyey lacagtii horey loogu yaboohay si ay meesha uga guuraan.
Maalinimadii Axadi ee toddobaadkan ayaa dadweynaha iyo Luo Baogen waxay wada daawadeen gurigii quruxda badnaa oocagaf-cagaf att burburineyso si meesha looga saaro GURIGA kaliya ee ku dhex yaalla jidkan baabuurta ay marto.
Xaflada furitaanka jidkan cusub ayaa weli la sugayaa inay dhacdo oo madaxda dalka ay furaan si rasmi ah maadaama horey ay u suurtagali weysay in jidkan la furo rasmi ahaan sababo la xiriira buuqa ka dhashay guriga Luo Baogen.
 Hablaha Media Network

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved