Nin Mindi Ladhacay Gabar Iibisa Qaadka, Kadibna isku dhiibay Booliiska Hargeysa

Sunday 3 March 20130 comments

Ninkan ayaa la sheegay inuu tumo Biraha Baabuurta ama ahaa makaanikiste ayaa Bireeyay Gabar Qaadleey ah, taaso lagu magacaabo Ardo Muumin.

Gabdha ayaa la sheegay in ay Qaadka ku iibin jirtay meel aan sidaasi uga fogeyn Saldhiga Magaalada Hargeysa.

Gabadha Ninku Bireeyay ayaa dhaawaceeda lagu daweynayaa Cisbitaalka Hargeysa iyadoo sida ay Eheladeedu noo xaqiisay xaaladeedu aad u liidato, dhaawacyadda soo gaareyna yihiin dhowr meelood oo Qoorta,  Gacmaha iyo Calooshu ay ka mid yihiin.

Marki uu Ninka gabadha Toreeyda ku dhuftay ayuu isgeeyay Saldhiga Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland,wuxuuna ka codsaday inau xiraan Booliiska maadaama uu sheegay in falkaasi uu geystay.

Arinta ilaa hada ma cada, sababta ninkan uu gabadha Tooreeyda ula dhacay, waxaana socda baaritaano la xiriira ninka sababta uu Bireeyay Ardo Muumin oo qaadleyda Magaalada Hargeysa ka mid ah.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved