Dr,Abdiwali Ali Gaas oo la shiray Wasaarada Arimaha Dibada ee Sweden.

Tuesday 5 March 20130 comments


Raysalwasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xiligan safar ku jooga dalka Sweden ayaa kulan la qaatay saraakiisha Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Sweden.
Wasaarada arimaha dibada ee Sweden ayaa waxa ay la yeelatay shir Muhiim ah Raysul Wasaarihii Hore Ee Somalia  Dr.Abdiwali ali Gaas waxayna ka wada hadleen xaaladaha dalka Somaliya ay maanta marayso iyo arrimo kale oo badan oo la xariira xiriirka Soomaalida iyo Dowlada Sweden.
Dowlada Sweden ayaa Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya ka codsatay in uu ka siiyo talooyin qaabkii ay Sweden u wajihi lahayd siyaasada Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon ee nabad loogu soo dabaali karo.

Dr.Gaas ayaa u faah faahiyey arrimo badan oo Soomaliya u baahan in wax laga qabto iyo sidii looga qayb qaadan lahaa tayaynta dowlada Federaalka Soomaliya iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Ugu danbeentii Shirkaas ayaa ku soo dhamaaday sidii loogu talo galay waxana ay Wasaaradu ugu mahad celisay Dr.Gaas kulankaas aadna ay u soo dhaweeyeen imaanshihiisa dalka Sweden oo kamid ah wadamada reer Yurub oo ay ku badan yihiin Soomaalida.
Raysalwasaarihii hore ayaa kulamo kala gedisan la yeelanaya Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Sweden.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved