Sheekh weyn oo lagu dilay Suuriya

Thursday 21 March 20130 comments


Xubin sare oo culimada dalka Suuriya ah - oo aad u taageersanaa Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa lagu dilay qarax bam oo ka dhacay masaajid ku yaal magaalada Dimishiq.

Masuuliyiinta Suuriya ayaa sheegay in qof ba isku soo xiray uu dilay Sheekh Maxamed al-Bouti iyo in ka badan 40 qof.

Sheekh Maxamed al-Bouti waxa uu si weyn u
 taageersanaa dowladda
Sheekha oo 84 jir ahaa waxa uu caan ku ahaa sida uu uga soo horjeedo mucaaradka Suuriya.
Waxa uu ahaa qasaare weyn maskaxiyan. Telefishinka dowladda Suuriya ayaa barnaamijyadiisii caadiga aaha waxa uu ku beddelay aayado quraanka kariimka ah.

Warkooda ugu weyn ee xalay waxaa qabsaday in ka badan hal saac Sheekha dilkiisa, oo intiisa badan waqtigiisa ku bixiyay telefishinka dowladda oo uu ka hadli jiray.

Khudbadiisa ayaa si joogta ah toddobaad walba looga sii deyn jiray waxaana uu lahaa barnaamijyo diini ah oo isaga u gaar ah.

Saxaafadda dowladduw axay sheegtay in uu dilay qof bam isku soo xiary oo isku qarxiyay masaajidka bartamaha magaalada Dimishiq, halkaasi oo Sheekh al-Bouti wuu cashar ku siinayay ardeyda, waxaana saraakiisha dowladdu sheegeen in 14 ardey ah ay ku dhinteen iyo dad kale.

Telefishinka dowladda ayaa soo saaray dadkii qaraxa ka badbaaday oo sida meydadkii iyo dhaawacii oo ay ka soo saarayeen masaajidka, oo sagxaddiisa uu is qabsday dhiig iyo jir go'goay.

In badan ayaa Sheekhu waxa uu ku boorin jiray dadka reer Suuriya inay garab istaagaan ciidanka dowladda oo mucaaradka ka soo horjeestaan.

Waxa uu ahaa nin daacad u ah rejiimka. Waxa uu hogaaminayay salaadii lagu tukaday aaskii Madaxweyne Bashaar al Asad aabihii Hafez al Assad Sanadkii 2000.

Kooxda mucaaradka ee xoreynta Suuriya waxa ay sheegeen in aanay masuul ka ahan dilka shiikha. Kooxaha kacdoonka wada waxay ubadan yihiin Sunni iyo kooxo kale oo islaamiyiinta xag jirka ah kuwaasi oo qaaday weerarada is qarxinta ah waxaana ay u arki jireen rded Sheekh al-Bouty nin daba dhilif u ah dowladda.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved