Fartuun oo dhawaan la gudoonsiiyey Bilad Sharaf caalami ah

Friday 22 March 20130 comments



Fartuun Aadan oo dhawaan la gudoonsiiyey biladsharafta Maalinta Haweenka ayaa dib ugu noqotay magaalada Ottawa oo ay degen tahay halkaasi oo lagu wado in maalinta Sabtida ah ay Soomaalida xaflad soodhaweyn ah ugu qabtaan.



Fartuun Aadan ayaa kamid ahayd 9 dumar ah oo uu dalka Maraykanka gudoonsiiyey Bilad sharafta (International Women of Courage) oo ay Wasaarada Arrimaha Dibada ku godoonsiisay haweenka caalamka ee u halgamay xaquuqda Haweenka.

Fartuun Aadan ayaa ah xaaska uu ka dhintay Maxamuud Cali Axmed oo loo yaqaanay (Elman) allaha u naxariistee, wuxuu kamid ahaa dadkii lagu dilay Muqdisho (9kii Maarso 1996), isla markaana kamid ahaa hawlwadeenada ka shaqeeya arrimaha Bulshada oo si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya.

Fartuun iyo caruurteeda ayaa qaxootimo ku tagay dalka Canada, waxayna sanadkii 2010 ay Fartuun dib ugu noqotay Muqdisho si ay halkaasi uga sii wado hawlihii ninkeeda bilaabay, iyadoo kamid ah mas’uuliyiinta hay’ada Xaquuqul Insaanka ee Elman oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Fartuun Aadan ayaa magaalada Muqdisho ka aasaastay xaruntii ugu horeysay oo loogu talo galay dumarka la kufsado iyo haweenka loo geysto xadgudubyada.

Michelle Obama xaaska Madaxweynaha Maraykanka iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada John Kerry ayaa bilad sharaftan gudoonsiiyey Fartuun Aadan oo ka qeyb gashay xafladii ka dhacday Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee Washington 8dii bishan Maarso.

John Kerry Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa si weyn ugu riyaaqay Fartuun iyo haweenka ka kale ee Soomaaliyeed dadaalka ay ugaleen sidii ay uga shaqeyn lahaayeen xaquuqul insaanka iyo nabadeynta dalka Soomaaliya.

Fartuun oo hada dib ugu noqotay magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa lagu wadaa in xaflad soo dhaweyn ah u qabtaan Sabtida soo socota jaaliyadda Soomaalida ee kamid tahay ee ku dhaqan magaaladaasi.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved