War Deg Deg ah:Dagaal qasaara geestay oo u dhexeeya ciidamada dowlada Soomaaliya oo ka socda magaala madaxda gobalka….

Friday 22 March 20130 comments





Wararka laga helayo magaalada marka ee xarunta gobalka Sh. Hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ciidamo kawada tirsan meleteriga dowlada Federalka Soomaaliya uu halkaasi dagaal aad u xooggan ku dhex marayo.

Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu bilaawday kadib markii mid kamid ah saraakiisha dowlada Soomaaliay ay dileen qaar kamid ah ciidamada meleteriga ee gobalka kusugan.

Goob joogayaasha ayaa waxa ay ku waramayaan in dagaalku uu si xooggan uga socdo gudaha magaalada marko ee xarunta gobalka iyada oo qasaare nafeed iyo mid hantiyadeeedba ay geesteen.

Masuuliyiinta gobalka ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamada dowlada iyaga oo intaa ku daray in ay ku dadaalayaan qaboojinta xiisadahaasi oo ay wadaan ciidamo qaab qabiil u kala baxay kadib dilka sarkaalka ciidamada ka tirsanaa.



_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved