Raysalwasaare Saacid oo ku hanjabey in ay dib u qabsan doonaan magaalada Xuddur

Wednesday 20 March 20130 comments

shirdoonRaysalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in xukuumaddiisu qorsheyneyso sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool oo xarkada al-Shabaab la wareegtey gacanku haynteeda, kadib markii ciidamada dalka Itoobiya iyo kuwa Dowladda federaalku ay isaga baxeen.

Ka bixitaanka ciidamada itoobiya iyo kuwa dowladda ee halkaas ku sugnaa muddo ka badan 12 bilood ayaan la sheegin sababta rasmiga ah, iyada oo la sheegayo in Itoobiya doneyso in ay ka baxdo Gobolka Baay, taas oo laga maqley mid ka mid ah Xildhibaanada gobolada Baay & Bakool.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Mudane Shirdoon ayaa dhanka kale canbaareeyey nin Wadaad ah oo la sheegay in Xarakada al-Shabaab ku gawraceen magaalada Xuddur kadib markii ay halkaas soo galeen maalin kadib ninkaas oo lagu magacaabi jirey, Shiikh Cabdiraxmaan Macalim Warsame.

-Waa fal wuxuushnimo ah, kaas oo aan istaajin doonaan horu socodkayaga, waxaana hadda wadnaa anaga io Ciidankayaga Qaranka iyo jaalayaashayada kale sidii aan magaalada gacanteena ugu soo celin lahayn ayuu yiri Shirdoon.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved