Al Qaidada Galbeedka Afrika oo dilay mid kamid ah laheystayaashi Faransiiska

Wednesday 20 March 20130 comments

Al Qaidada Galbeedka Afrika oo dilay mid kamid ah laheystayaashi Faransiiska
Kooxda Al Qaida ee Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika ayaa shaaciyey inay dileen mid kamid ah laheystayaashii Faransiiska u dhashay ee lagu heystay gudaha dalka Mali.

Afhayeen u hadlay kooxdan oo la xariiray warbaahinta dalka Marutaaniya ayaa sheegay inay dileen Philippe Verdon oo kamid ah dadka u dhashay France ee lagu heysto dalka Mali, taariikhu markay ahayd 10kii bishan Maarso.

Philippe Verdon ayaa lagu afduubay dalkaasi Mali bishii November ee sanadkii 2011, xili uu safar ganacsi u joogay hotel ku yaal magaalada Hombori ee waqooyi Bari dalkaasi Mali.

Verdon ayaa kamid ah 15 qof oo u dhashay dalka Faransiiska oo lagu heysto dhulka Al Qaida ku sugan tahay ee Waqooyiga iyo Gabeedka Afrika, waxayna kooxdan sheegtay inay dileen ninkaasi sababo la xariira duulaanka uu Faransiiska ku qaaday waqooyiga dalkaasi Mali.

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inaysan xiligan xaqiijin Karin in la dilay muwaadinkaasi ka soo jeeda dalkooda balse ay wadaan baaritaan, dowlada Faransiiska ayaa horey u diiday inay lacag madax furasho ah kusoo deyso dadka looga heysto waqooyiga Afrika.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved