Dowlada Siiriya oo mucaaridka ku eedaysay inay adeegsadeen hub Kimikal ah

Wednesday 20 March 20130 comments

Dowlada Siiriya oo mucaaridka ku eedaysay inay adeegsadeen hub Kimikal ah
Dowlada Siiriya ayaa ku eedaysay in xoogaga mucaaridka ka soo horjeesa ay adeegsadeen hubka kimikaalka arrintaasi oo ay si weyn u beeniyeen mucaaridka.
|

Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada Siiriya ku eedayso mucaaridka inay adeegsadeen hubka kimikaalka, iyadoo dhanka mucaaridka ay sheegeen hubka ay heystaan aysan lahayn gantaalo iyo hubka sida ba’an wax u dila.

Eedeynmahan ayaa soo baxaya kadib weerar la sheegay inuu ka dhacay magaalada Aleppo kadibna ay ku dhinteen dad ka badan 26 maalinimadii shalay, iyadoo warbaahinta dowlada Siiriya baahisay in weerarkaasi loo adeegsaday hubka Kimikaalka ah.

Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay wafdi cilmi baarayaal ah u diraan goobta la sheegay inuu weerarkan ka dhacay, balse qaar kamid ah cilmi baarayaasha ku takhasusay hubka kimikaalka ah ayaa sawiro iyo filim laga soo duubay dadkii wax ku noqday weerarkaasi ku sheegay kuwa aan ka muuqan calaamadihii lagu yiqiinay hubka kimikalka ah oo adduunka ka mamnuuca ah.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved