Qiso Xanuun badan oo ka dhacday London iyo Haweenaydii ay ku dhacday oo Facbook geeda Fariimo soo dhigtay.

Friday 22 March 20130 comments


Arrin aad u xanuun badan ayaa ka dhacday deegaanka Tenpin Croydon oo ku taala wadanka Britain gaar ahaan Magaalada London kadib markii Haweenay haysatay wiil yar oo sadex sano jir ah oo la sheegay in ay qabtay waxa afka Ingiriiska lagu yiraahdo depression and anxiety, oo ah Niyad Jab iyo Walaac uu iyada iyo wiilkeediiba ku dhuftay mid kamid ah tareenada dheereeya oo gabi ahaanba kala dhanbalay.


Haweenaydaan ayaa waxaa ay ku noolayd deegaanka Croydon waxaana goobta uu tareenku ku dardaray ay ahayd Pruley Station , waxaana markiiba halkaasi tagay baaburta Ambalaaska loo yaqaano iyo gurmad caafimaad hase ahaatee iyada iyo wiilkeedii sadex sano jirka ahaa goobtii ayay ku qudh baxeen.


Haweenaydaasi ayaa Facebook geeda waxaa ay soo dhigtay fariimo badan oo ay ku muujinaysay Jacaylka ay u qabtay Wiilkeeda Yar, waxaana ay tiri Hadii aanan heli lahayn maba soo gaareen oo waan isdal dalilahaa, laakiin aad baan ugu faraxsanahay wiilkayga yar , markii aan dhalay waxaa uu igaliyay farxad, ilaah ayaana mahadleh ayay siiraacisay.


Haweenaydaan ayaa la sheegay in muddo ay qabtay cudur waali oo kale ah waxaana ay qaadan jirtay daawooyin si looga yareeyo wal walka iyo Niyad jabka ku dhacay, waxyaabaha ay facebook ga soo galisay waxaa kamid ahaa in ay Sxb adeed u sheegtay, in aanayba seexanin, oo ay baqayso , Nolosha adduunkuna ku soo koobmatay.


Ilaa bishii August fariimo isdaba jog ah ayay soo dhigi jirtay Facbook geeda, kaasi oo inta badan dadkii hore u yaqaanay ka yaabin jiray , Haweenayda oo lagu magaaci jiray Donna Oettinger islamarkaana 41 sano jir ahayd ayaa waxaa qabay nin masaari ah oo aan la noolayn , waxaana uu markii ay iyada iyo wiilkiisa yari dhimanayeen uu ku noolaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar.


Intii aanay isdilin Haweenaydaani ayaa waxaa gurigeeda baadi goobayay nin booliis ah oo ah kuwa danbi baarayaasha ah , Waxaana ay had iyo jeer dariskoodu ku tilmaami jireen haweenay jecel sabiga yarka ah ee ay dhashay islamarkaana mar walba kool koolisa, waxaa ay Dhalashadiisa farxadeed ee sanad guuradiisa sadexaad u dhigtay todobaad ka hor intii aany ku geeriyoonay Shilkaasi Tareen oo warbaahinta intooda badani leeyihiin iyadaa ayaa isku tuurtay oo isugu talo gashay.


Baaritaan hordhaca ah oo ay booliisku sameeyeen ayay ku sheegeen in aanay jirin cid ku lug leh dhibaatadaasi ku dhacday Haweenayda iyo wiilkeeda, Wiilka yar ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u ciyaar badan islamarkaana ay dadka dariska ahi aad u jeclaayeen , hase ahaatee mid kamid ah dadka dariska la ahaa ayaa tiri’’ bilihii ugu danbeeyay MSS Donna Oettinger, xaaladeedu wey soo xumaanaysay ,waxaana ay facebook geeda soo dhigaysay waxyaabo aanay dadku ku farxaynin, waxaa ay mar marwalba saadaalin jirtay dhibaato ku soo fool leh.

Halkaan ka akhriso wax yaabihii ay Facebook geeda ku soo qori jirtay oo afka Ingiriiska ku qoran.

She wrote: “Feeling so depressed with this f****** severe anxiety dread waking up. Panic attacks all day long can’t stand this anymore. Thank God I have my son Zaki I owe him a lot when I get better love you son with all my heart xxx.”

But that hope seemed brief as she added: “Lost been on so many diff tablets and off cause of side effects so scared don’t know who I am anymore.

“I won’t leave the house on some new meds wish I could turn the clock back a year if I knew this was coming I would have left this world it’s only because of zaki I am here x.”

Signs of Donna’s precarious emotional state surfaced in August on Facebook when she posted: “Haven’t been well now for three months with all this anxiety been hell needed to make changes in my life.

“I look awful lost so much weight, aged 20 years frightened to see anyone at mo xx.”
At Christmas she posted: “I hope and pray there is light at the end of the tunnel.”

Days before her death, troubled Donna had an emotional online exchange with her sister Emma.

She wrote: “Hope ur ok love you loads xx.”


______________________________________________________________

Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved