Israel oo u gur guuratay Turkiga iyo Barack Obama oo noqday madaweynihii ugu horeeyay ee Israel runta u sheega.

Friday 22 March 20130 comments


Dawlada Israel ayaa raali galin dhab ah iyo cudur daarba siisay Dawlada wadanka Turkiga kadaib markii xiriirka labadaasi dawladood uu xumaaday sanadii 2012 kii waqtigaasi oo ciidamada Badda Israel ay weerar ku dileen Hawlwadeeno katirsanaa Dalka Turkiga kuwaasi oo gurmad u fidinayay Shacabka reer falastiin eek u nool Gaza.

Ra iisalwasaaraha wadanka Israel ayaa raaligalintaasi bixiyay kadib markii uu Madaxweyne Barack Obama oo booqasho ku joogay Israel ka dhaadhiciyay in uu cudurdaar ka bixiyo  sagaalkii qof ee Turkish ka ahaa ee ay ciidamdoodu badda dileen, iyadoo uu arrintaasi aqbalay Bin jamin Natanyaahu islamarkaana uu Taleefoon kula hadlay ra iisalwasaaraha wadanka Turkiga Tayyip Erdogan.

Dib u hshiisiintaan uu madaxweyne Barck Obama dhex dhigay labada wadan oo uu xiriirkoodu sii xumaanayay ayaa waxay Obama u tahay  guul siyaasadeed, waxaana ay gacan ka gaysanaysaa soo celinta Iskaashigii Gobolka ee labada Dawladood iyo yaraynta go’doominta siyaasadeed ee dawlada Israel ka haysta Bariga dhexe.

Barack Obama ayaa ku qanciyay ra iisalwasaaraha dawlada Israel in uu ka fakaro halista siyaasadeed ee Israel kaga soo fool leh barriga dhexe isagoo Tusaale u soo qaatay wadamada Iiraan iyo Suuriya oo ay xiligaan dagaalo Sokeeya Ka socdaan balse ay jirto khatar kaga imaankarta dhinaca Suuriya.

War jaraa id oo laga sii daayay aqalka cad ee dalka Mareeykanka wax yar kadib markii uu Madaxweyne Barack Obama Booqashadiisa dhamaystay ayaa lagu sheegay in labada ra iisalwasaare waa Benjamin Netanyahu iyo Tayyip Erdogan ay khadka taleefanka kuwada hadleen , waxaa kale oo warkaasi jaraa id ee aqalka cad lagu sheegay in dawlada Mareeykanka ay qiimo weyn ugu fadhido isu soo dhawaanshiyaha labada dawladood si loo hormariyo nabada iyo xasiloonida barriga dhaxe.

War ka soo baxay xaafiiska ra iisalwasaaraha wadanka Israel ayaa lagu sheegay , in iyadoo la tixraacayo baaritaan dheer oo ay Israel ku samaysay falkaasi ay gaysteen ciidamada Israael iyo tiro khalad ah oo kale ayuu Natanyahu go’aansaday in uu Raaligalin siiyo Shacabka iyo xukuumada wadanka Turkiga , isagoo intaasi ku daray’’ Khalad kasta oo horseeday in dad naftooda ku waayaan ama ku dhaawacmaan waanu ka qoomamaynaynaa.

Labada ra iisal wasaare ayaa ugu danbayntii waxaa ay isla ogolaadeen in la soo celiyo xiriirkii dublamaasiyadeed ee labada Dawladood islamarkaana dib loo furo labadii safaaradood ee Ankara iyo Tal aviv.

Madaxweyne Barack Obama ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareeykanka ee inta Israel taga Runta u sheega islamarkaana ay Israel ku raacaan , waxaana la filayaa in maadaama uu tan ku guulaystay in arrimaha reer falastiina guul laga gaari doono.

Dawalada Israil ayaa farta wadanaha kaga haysa caqabado bado badan oo kaga imaanaya dalal badan oo ay kam kid tahay Iiraan , waxaana dhawaan hadal hanjabaad ah hawada u mariyay Dawlada Ra iisalwasaare Natanyaahu , Hogaamiye diimeedka Iiraan Ayatollahi Ali Khamanei.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved