Gabar ka shaqeyneysay garoonka diyaradaha Muqdisho toogasho dhawaan lagu dilay xilli ay u deg degeysay shaqadeeda.

Saturday, 23 March 20130 comments


Kooxo Hubeesan ayaa goor dhaw waxa ee Xaafada Ceel Dheere ee Degmada Dharkeenley kudileen Gabar Magaceeda lagu soo koobay Zeynab oo kashaqeyn jirtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle ayaa sheegay in Gabadhan Kooxo Bistoolado ku hubeesan ee madaxa ka toogteen kadibna loola cararay Isbitaalka Madiina si loo bad baadiyo, hasa yeeshee ugu danbeyn ay halkaasi ku geeriyootay.

Kooxihiii gabadha toogtay oo aan lagaran cida ay ka tirsanyihiin ayaa goobta ay gabadha ku toogteen si fudud uga baxsaday iyada oo aysan jirin cid loo soo qabtay dilkeeda ama lagu eedeeyay.

Gabdhaan oo da’deeda lagu qiyaasay 20-sano jir ka-shaqeyn jirtay Gudaha Graoonka Magaalada Muqdisho inkasta oo howsheeda si rami ah aan ilaa hada loo cadeyn.

Horay ayaa sidaan oo kale degmooyinka koofurta Muqdisho waxaa loogu toogtay Shaqaale ka howl geli jiray garoonka, inkasta oo dilkaasi cid masuuliyadiisa sheegatay aynsan jirin.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved