Musliinta iyo Buddhistaha Burma oo Is-laynaya

Saturday 23 March 20130 comments


Maalintii sedexaad ayaa waxaa bartamaha wadanka Burma ka soconaya rabashado ay dad badan ku dhinteen una dhexeeya dadka aaminsan diinta Buddhist iyo dadka Muslimka ah ee dalkaasi, waxaana hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanuhu ay ka digeen in xiisaddu ka sii darto.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maydadka dad la gubay ay yaaliin wadooyinka maanta oo jimce ah, waxa ayna intaa ku dareen in ay weli gubanayaan dhismeyaal dhowr ah oo uu ku jiro masjid ku yaalla bartamaha magaalada Meikhtila.

Xubno ka tirsan golaha deegaan ee magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen iska horimaadyada lagana yaabo in tirada dhimashadu ay sii kororto, dagaalkan ayaa ka kacay ka dib markii maalintii Arbacada ay murmeen qof wax ka iibsanayey dukaan dahabka lagu gado iyo milkiilihii dukaanka oo muslim ahaa.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ay magaalada ku soo rogeen bandow xilliga habeenkii, rayid badanna waxa ay sheegeen in ay ka baqayaan inay ka baxaan guryahooda, taasoo ay ugu wacan tahay magaalada oo aan isu socod jirin marka laga reebo kooxo careysan oo buuxiyey wadoonyinka

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in qalalaasaha la soo afjaro. Iska horimaadyadan ayaa ah dagaal diimeedkii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Burma tan iyo sanadkii la soo dhaafay, waqtigaas oo ay gobalka galbeed ee Rakhine isku dirireen dadka aaminsan diinta Buddhista iyo qomiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah


Iska horimaadyo is daba jooga oo sanadkii la soo dhaafay ka dhacay gobalka Rakhine ayaa waxaa ku naf waayey ilaa laba boqol oo qof waxaana ku guryo beelay in ka badan boqol kun oo qof oo kale, kuwaasi oo u badnaa Muslimiinta Rohinga.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved