Qaababka Wanaagsan Ee Lagu Xalin Karo Dhibaatooyinka Iyo Khillaafaadka Ka Hor Yimaada Lamaanaha Isjecel, Hadana Isla Jooga Ama Hal Meel Ku Wada Nool.

Sunday 3 March 20130 comments


Lamaanayaasha sida dhabta ah isku jaceyl waxaa soo wajaho dhibaatooyin iyo khilaafaad aad u xoog badan oo la xaqiijiyay in looga gudbi karo ama lagu xalin karo ayadoo leysku sabro.

Hadaba akhristoow hadii aad kujirto xiliga haasaawaha iyo xiliga nolosha ooaad caruur xattaa leedahay waxaa hubanti ah adiga iyo lamaanahaada inaad isku dhaceysaan waayo jaceylka dhabta ahi isku dhac lagamaba waayn karo.

Lamaanayaasha sida dhabta ah isku jaceyl ee nolol wadaaga ah ayaa inta badan khilaaf kusoo noqnoqdaa hadaba akhristoow ma ogtahay shabakada www.hablaha.com markii aay baaritaan sameysay in khilaafaadka soo kala dhex galo lamaanaha sida dhabta ah isku jacel uu yahay khilaaf ka abuurmo wax aad u fudud oo aan mudneyn in leysku khilaafo.

Maanta waxaan halkaan kusoo gudbineynaa hababka ugu sahlan ee lagu xalin karo khilaafaadk lamaanaha nolol wadaaga ahi, ha ahaado khilaaf buuran ama mid yarba, balse xusuusnoow khilaafaadka ayaa ku kala wanaagsan hadba qaab ama wado in loo xaliyo.

Hadaba hadii aad dooneysid inaad mar weliba u taagnaato xalinta khilaafka adigha iyo lamaanahaada waa in aad jaceylkaaga bartaa sidii aad isku ixtiraami laheydeen waayo hadii labadiina ixtiraam adag idin ka dhaxeeyo waxaa hubanti ah is faham waagii idinka dhex dhici lahaa inuu yaraado, sidaa awgeed baro sida aad lamaanahaada ugu kasban karto ixtiraam leysku muujiyo oo aan aheyn mid qarsoon.

Ahoow ama noqo mid had iyo jeer wixii cusub ee kusoo kordha la wadaaga lamaanihiisa una sheego, sidaan ogsoonahay khilaafka ugu badan ee lamaanaha soo kala dhex galaa waa maxaa warkaas ama sidaas iyo sidaas iiga qarisay oo aan meel kale ugu soo ogaaday, ama inteey waxaasi dhicin maxaa iigu sheegi waaysay, hadaba inteysan waxaasi kugu dhicin lamaanahaada had iyo jeer la wadaag wixii kugu soo kordha, si aad ugu hortagto khilaafaadka hadhoow idiinka dhex dhici doono.

Qoraxdu markeey dhacdo waxaa la dareemaa in mugdi lasoo galay, hadaba lamaanahaada markii aad tagto qof cidlo dareemayo ha noqdo, hadaba sidee ayaad sidaasi ku abuuri kartaa waa adigoo inta aad lajoogto farxad iyo sheekaba sheeko isku dhiibtaan taasi waxeey yareyneysaa khilaafka lamaanahaadana markaad ka maqantahay qosolkaagii ayuu tabayaa, ogoow dhoola cadeyn yar aad u dhoola cadeyso jaceylkaaga inaad ku hanan kartid khalbiisa oo dhan….

Intaasi aan ku ekeyno qormadii ayaa inala fogaatay saacadaha soo socdo waxaan kaloo soo gudbin doonaa afar qodob oo kale oo lagu xaliyo khilaafaadka jaceylka si aan u dhameystirnii.

Waayo qodobadaan aan hada ka hadalnay waa lamaanaha isla joogo, waxaan ka hadli doonaa lamaanayaasha waayaha iyo waqtiga kala raray ayagoo kala fog sidee u xalin karaan mowjadaha buuqa leh ee soo hareeyo jaceylkooda.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved