Nin Naag Kufsan Rabay Oo Xubintiisa Taranka Meesha Ku Waayay

Sunday 3 March 20130 comments


Haweeney 40-sano jir ah oo u dhalatay dalka Bangladesh ,laguna magacaabo Monju Begum, ayaa lasoo warinayaa in ay xubinta taranka ka goysay nin ay sheegtay in uu xoogi lahaa, waxa ayna geeysay xubintii saldhiiga police-ka kadibna ku wargelisay wixii dhacay.



Sida uu sheegay policeka Bangladesh, Mozammel Haq Mazi, oo ah ninka laga shakisanyahay in uu haweentaan dhibaateyn lahaa ayaa deris la’ahaa gabadha waxa uuna galay markii xubinta ay mid uga jareysay buush haweeneydaan ay deganeed kadibna isku dayay in uu qasab uu ugu tago.

Qolyaha baaray shilkaan ayaa waxa ay sheegeen in Begum ay iska difaacday weerarka oo ay bartanka kajartay xubintiisii taranka markii ay fursad kuheshay in ay midi afbadan ay si xoog ah ugu joodo, iyada oo kadib boorsa ku ridatay oo geysay saldhigii police-ka ee ugu dhawaa.

Begum oo ah hooyo sedax caruur ah leh ayaa waxa ay u sheegtay police-ka in Mazi oo ah aabe shan caruur ah dhalay uu dhib ku hayay lixdii bilood ee tagay.

Afhayeenka Policeka , Abul Khaer, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee haweeney ay kudhiirato in ninkii xoogi lahaa ay kajarto xubinta taranka kadibna ay daliil ahaan ugu keento police-ka.

Dhanka kale, Mazi ayaa dafiray isaga oo baarayaashii u sheegay in isaga iyo haweeneydu ay golol dhaaf sameynayeen.

Waxa uu intaa raaciyay in ay ka codsatay in uu la’aado magaalo kale si ay ugu soo noolaadaan hasa yeeshee isagu uu kadiiday maadamaa uu caruur iyo xaas kale leeyahay hasa yeeshee markii ay teeda kaweyday ay ugu tala gashay in ay ka aarsato.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved