Natiijada Doorashada Kenya oo lagu wado in Jimcaha lagu dhawaaqo

Thursday 7 March 20130 comments

Waxaa weli socota tirinta cododka ay shacabka ka dhiibteen doorashadii guud ee ka dhacday dalka Kenya, isniintii lasoo dhaafay.
Dhamaan Sanaadiikha codbixinta lagu qaaday oo hal meel la isugu keenay si gacanta loogu tiriyo.
Cododka ayaa hada lagu tirinayaa Gacanta kadib markii ay kharaabeen oo ay joogsadeen aaladii Electaronikada ee lagu tirinayey cododka, waxaana hada waraaqaha cod bixinta hal hal u tirinaya degmo walba kooxo ka socda guddiga doorashada Kenya iyo korjoogayaasha caalamiga ah.
Natiijada Doorashada ayaa lagu waday in lagu dhawaaqo 24 saac kadib codbixinta, balse arrintan ayaa hakad ku timid kadib markii uu joogsaday (Server) maskaxdii Elektaronikada ee xiriirneysa dhamaan degmooyinka kala gedisan oo ay codbixinta ka dhacday.
Guddiga Doorashada ayaa ku khasbanaaday in dhamaan sanaadiikha codbixinta hal meel la isugu keeno si gacanta loogu tiriyo, waxaana la joojiyey tirintii hore ee Electaronikada iyadoo markale dib loo bilaabay in degmo degmo loo shaaciyo cododka ay kala heleen musharaxiinta.
Doorashada Kenya ayaa ahayd mid isugu jirta Baarlamaanka cusub, Golayaasha deegaanka, Guddoomiyaasha gobalada, Golaha Odayaasha (Senate) iyo waliba doorashada Musharaxiinta Madaxweynaha u tartamaya.
Codbixintii horey loo tiriyey ayaa waxaa ku horeeyey Uhuru Kenyyatta, waxaana hada la sugayaa in la ogaado cododka ay kala heleen musharaxiinta, waxaa sidoo kale weli muran ka taagan yahay codod badan oo Kumanaan gaaraya oo la sheegay in ay xumaadeen ama si khaldan loo buuxiyey, arrintaasi oo ay ku kala qeybsan yihiin xisbiyada tartanka ku jira.
Guddiga Doorashada ayaa hada sheegay in ugu danbeyn maalinta Jimcaha ah ee beri ku beegan ay rajeenayaan in lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha.
Shacabka Kenya ayaa walaac weyn ka qaba daahista ku dhawaaqida natiijada doorashada, iyadoo qeybo badan oo kamid ah xarumaha Ganacsiga ee Nairobi ay weli xiran yihiin tan iyo xiligii doorashada dhacday ee Isniintii lasoo dhaafay. Shacabka ayaa weli qaba cabsida ah in natiijada doorashada ka imaan karaan xiisado siyaasadeed oo rabshada isu bedala, inkastoo ay Guddiga doorashada iyo dowlada ku cel celinayaan baaqooda ah ina shacabka ay midnimada iyo amaanka dhawraan.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved