Madaxweyne Hugo Chaves oo geeriyooday

Wednesday 6 March 20130 comments

Madaxweynaha dalka Venezuela, Hugo Chaves ayaa geeriyooday kadib xanuun Kansarka ah oo uu u jiifay muddo sadex bilood ah.
Madaxweyne kuxigeenka ahna Siihayaha xilka Madaxweynaha Nicolas Maduro ayaa xalay si toos ah telefishinka dalka Venezuela uga shaaciyey inuu geeriyooday Hugo Chaves oo da’adiisu ahayd 58 sano jir.
Hugo Chaves ayaa muddo labo sano ah qabay cudurka Kansarka waxaana 4 mar qaliin caafimaad u tagay dalka Cuba, waxaana dalka Venezuela dib loogu soo celiyey bartimihii bishii lasoo dhaafay.
Madaxweyne Chaves ayaa siyaasadda dalkaasi Venezuela kasoo dhex muuqday sanadkii 1992 kadib markii uu saraakiil militariga ka tirsan oo uu hoggaaminayo isku dayeen in afgambi militari xilka uga tuuraan dowladii xilgaasi jirtay.
Afgambigaasi ayaa fashilay, waxaana xabsiga la dhigay Hugo Chaves iyo taageerayaashiisa oo uu kamid ahaa Madaxweyne kuxigeenka Xilka haya Nicolas Maduro oo horey usoo ahaan jiray wade gaadiidka basaska ah, kahor intuusan noqon madaxa Iskaashatooyinka dalkaasi.
Hugo Chaves ayaa markii xabsiga laga soo daayey sanadkii 1994tii wuxuu aasaasay xisbigiisa, wuxuuna xilka dalkaasi qabtay sanadkii 1999kii.
Chaves ayaa la yimid siyaasad cusub oo lidi ku ah dalka Maraykanka oo isagu awood weyn xiligaasi ku lahaa waddamada Laatiinka ama koonfurta Amerika.
Hugo Chaves ayaa bilaabay siyaasad u jan-jeerta dhanka bidix wuxuuna dhaq- dhaqaaq siyaasadeed iyo kacdoonkiisa ku fidiyey waddamo badan oo kamid ah Laatin Ameerika.
Chaves oo adeegsanaya dhaqaalaha Batroolka dalkiisa ayaa dhaqaale badan oo deeq ah ku bixiyey waddamada Koonfurta Amerika taasi oo meesha ka saartay deeqdii wadamadaasi ka heli jireen Maraykanka.
Hugo Chaves ayaa sanad walba ku bixin jiray 7 Bilyan oo dollar waddamada Laatiinka lacagtiisi oo lagu qaban jiray mashaariic wax loogu qabanayo dadka saboolka ah, arrintan oo keentay inuu taageero weyn ka helo waddamada Koonfurta Amerika. Wuxuuna sidoo kale taageero dhaqaale ku bixiyey inay kasoo baxaan Laatiinka Hoggaamiyaal iyo Madaxweynayaal kasoo horjeeda siyaasadda Maraykanka.
hugochavezfidel1
Hugo Chaves ayey shacabkiisa dib usoo doorteen sanadkii 2000, wuxuuna sii xoojiyey siyaasadiisa uu ku Qaramaynayey Shirkadaha Shidaalka ee dalkaasi Venezuela isagoo sheegay in uu xoogga saari doono tayeynta adeega bulshada ee lasiiyo dadka Saboolka ah, wuxuuna soo rogay Waxbarasho iyo Caafimaad lacag la’aan ah.

Sanadkii 2002dii ayaa waxaa dalka Venezuela ka dhacay isku day Afgambi oo ay sameeyeen Saraakiisha Sar-sare ee ciidamada Venezuela, waxaana la rumeysan yahay in Maraykanku uu arrintan lug weyn ku lahaa.
Chavez ayey saraakiishaasi gacanta ku dhigeen iyagoo la wareegay Madaxtooyada, balse Hugo Chaves ayaa dib xilka ugu soo noqday kadib markii uu taageero ka helay cutubyadii afgambiga sameenayey qaar kamid ah iyo waliba shacabka oo si weyn uga horyimid saraakiishii xilka boobay.
Hugo Chavez ayaa markale Madaxtooyadiisa dib ugu soo noqday isagoo ay galbinayaan shacabka Venezuela iyo qaar kamid ah Militariga dalkaasi oo uu horey uga soo tirsanaan jiray.
Huga Chaves iyo Maraykanka
Hugo Chaves ayaa ku eedeeyey afgambigii xilka looga tuuri lahaa inay soo abaabuleen sirdoonka Maraykanka ee CIA, wuxuuna sii waday siyaasadiisa kasoo horjeeday Maraykanka, isagoo saaxiibo weyn ka dhigtay hoggaamiyaasha uu naceybka ka dhaxeeyo Maraykanka sida Fidel Castor ee dalka Cuba iyo waliba madaxda waddamada dunida Sadexaad.
Chavez ayaa kamid ahaa madaxdii caalamka ee kasoo horjeestay dagaalkii Maraykanka uu ku qaaday Afghaanistaan iyo Ciraaq. Wuxuuna hada kahor mar uu ka khudbeenayey xarunta Qaramada Midoobay ee New York, uu aflagaadeeyey Madaxweynihii xiligaasi Maraykanka Xukumay George W. Bush oo uu ku tilmaamay “Shaydaan”.
chavezUNchom_372
Chaves ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu cabburin ku hayo Caalamka isla markaana uu awood u adeegsado cid walba oo kasoo horjeeda siyaasadooda, wuxuuna sheegay in arrintaasi aan laga oggolaan doonin.
Hugo Chaves ayaa sidoo kale xiriir dhaw la sameystay dalka Iran, wuxuuna si weyn uga soo horjeestay siyaasadda reer Galbeedka ee ku aadan qaar kamid ah dunnida sadexaad iyo dalalka Carabta, wuxuuna sidoo kale saaxiibo ka dhigtay Col.Qadaafi oo uu hadda kahor u fidiyey magangelyo xiligii kacdoonka ku socday, wallow wakhtigaasi Qadaafi doorbiday inuu ku dhinto dalkiisa Liibiya.
Hugo Chaves ayaa markale ku guuleystay doorashadii dhacday sanadkii lasoo dhaafay ee 2012, waxaana lagu waday xilka loo dhaariyo bishii Janaayo ee sanadkan 2013, balse xiligaasi ayuu u jiifsaday cudurka Kansarka oo uu kusoo noqday mar kale.
Waxaa lagu wadaa in Doorashooyin lagu dhawaaqo muddo 30 maalmood kadib ah si shacabka Venezuela usoo doortaan Madaxweyne cusub. Chaves ayaa taageero xoogleh kulahaa dalkaasi Venezuela oo uu soo hogaaminayey 14kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana dhici karta in taageeradaasi ay ka faa’iideystaan raggii ay asxaabada ahaayeen sida Madaxweyne kuxigeenka Nicolas Maduro.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved