Hablaha Oo Inta Badan Ragga Ay Jecelyihiin Ku Maaweeliyo Been, Sir Loo Helay Ragga Wax Jecel

Tuesday 5 March 20130 comments


Dumarka ayaa badana sheega kalmado aanay u arag inay been yihiin, balse shucuurtoodu ka keento, taasoo badana lagu tilmaamo dumarku inay xagga jacaylka u khiyaamo badan yihiin, balse waxa beenaha qaar u galaan siday u badbaadin lahayd xidhiidhkay saygeeda la leedahay amma qofka jecel iyada ee aanay doonayn inay runta u sheegto si aannu uga tegin.

Beenahay sheegaan haweenku waxa ka mid ah lixdan kalmadood ee soo socda;


1. Aad baa u qurux badan tahay


Haddii aad dhab ahaantii ninaw qurux badan tahay, dumarku sidaas kuuma sheegayaan, balse waxay ku tusaysa inay iyadu qurux badan tahay, laakiin haddii ay kugu tidha kalmadan, waxa arrin aan runi ku jirin oo ay kugu dheel dheelayso, waxna kuu qarinayso amma ka damacsan tahay waxyaabo khaas ah.

.

2. Kuma Xiiseeyo
Dumarku qofkay jeceshahay ee ay ka cadhaysan tahay waxay aamintan tahay inay iska adkayso, sidaa darteedna waxay inta badan ku tidhaa kalmado ay ka muuqdaan inaanay wax dan ah ka lahayn si ay u soo jiidato, waxaanay badana si dheel dheel ah ugu tidha ninyaw imaad cajibin, waana kalmado ka mid ah beenaha ragga jecel ay u sheegaan haweenku

3. Daacadnimadaadan qaadanaya


Kalmadan waxay haweenku meesha keenaan markay ragga weydiiyaan su?aalo ay ka mid tahay; sideen kuula eegahay, ma qurux badanahay, miyaan buuranahay?

Waana dabin ay wax ku ogadaan, haddii aad u jawaabto iyo haddii aad ka aamustaba waa kalmado beena oo ay wax ku badhaan, runta waa inaanay daacadnimadaada qaadanayn, saabtoo ah haddii aad in yar oo beena u sheegto si fudud bay kuu qabanaysa, waanad kashifmaysa.

4. Waligay qof kula barbardhigi maayo


Waa kalmadaha ugu badan ee haweenku sayadooda ku mededaaliyaan amma qofka xidhiidhka jacayl ka dhaxeeyo, sidaa darteed, waxa hubaal ah haddii xidhiidhkiinu dhammaado inay qof kale nolosha la qaadanayso, waana arrin dhacda oo xaqiiq ah, balse kalmadan waa miday jacaylka ku xoojiyaan, runa ka ah markay kula joogaan, balse xagga dambe ka burta


5.
.
Hinaasiyad ama maseerey ma ahi
Waxa laga yaba dhab ahaantii inay tahay gabadh aad u u maserr ama hinaaso badan , kana xanaaqda markaad eegto qayrkeed amma aad saaxiibada in badan waqtiga la qaadato, mararka qaarna hinaasuhu waxaaba la yidha xidhiidhka wuu adkeeya haddii sida uu yahay loo qaato, halka waqtiyada qaarna uu cadow ku yahay jacaylka, balse haddii gabadhu kuu sheegato inaanay hinaasiyad ahayn, waxa ku duugan inay aad u hinaasiyad tahay, sababtoo ah dumarku ma jecla in la ogaado xadiga hinaasahoodu gaadhsiisan yahay.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved